Wenger Oo Qirtay In Mesut Ozil Uu Halis Ugu Jiro Inuu Dhaawacmo Ka dib Markii Uu Ku Fashilmay Qamaarkii Uu Ku Galay Alexis Sanchez.

0
Saturday January 02, 2016 - 09:48:30 in Sports News by
  • Visits: 755
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wenger Oo Qirtay In Mesut Ozil Uu Halis Ugu Jiro Inuu Dhaawacmo Ka dib Markii Uu Ku Fashilmay Qamaarkii Uu Ku Galay Alexis Sanchez.

    Arsene Wenger ayaa shaaca ka qaaday in Mesut Ozil uu u baahan yahay inuu nasto laakiin inaysan awoodin inuu kulamada qaar ka fariisto. Tababaraha kooxda Arsenal Wenger ayaa sheegay in Ozil uu tababarka dhib ku yahay islamarkaana uu kulanba kulanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arsene Wenger ayaa shaaca ka qaaday in Mesut Ozil uu u baahan yahay inuu nasto laakiin inaysan awoodin inuu kulamada qaar ka fariisto. Tababaraha kooxda Arsenal Wenger ayaa sheegay in Ozil uu tababarka dhib ku yahay islamarkaana uu kulanba kulanka ku xiga ciyaarayo sababtoo ah waxa uu muhim u yahay tartanka hanashada horyaalka Ingariiska ee Gunners.

Ka hor kulanka ay maanta la ciyaarayaan kooxda Newcastle, Wenger ayaa yiri: "Waqti xaadirkaan, tababar badan ma aameeyo. Nasasiino badan ayaan siinaa maalmaha ciyaaraha u dhaxeeya. Waxaan siiyay hal isbuuc oo fasax ah waqtigii kulamada heerka caalami lagu maqnaa.

"Waa nin marka uu taam ahaansho yar heysto doonaya inuu ciyaaro.

"Waxaa jira ciyaartoy qaar oo leh farsamo badan islamarkaana aan u baahneyn tamar badan oo ay ku ciyaaraan. Kuwaas iyaga dabiici ayay u tahay inay iska ciyaaraan.

"Horyaalka Premier League waa la isku dhow yahay, haddii aad ciyaareyso kulan muhim ah oo aad nasasiiso ciyaartoyda qaar, ciyaartoyda kale waxa ay niyada iska weydiinayaan ‘sabab?’ xitaa ciyaaryahan laf ahaantiisa ayaa iswedyiinaya”

Wenger ayaa qirtay bishii hore in Alexis Sanchez uu dhaawac muruqa ah qabay balse uu halis geliyay inuu ciyaaro kulankii Norwich. Ciyaaryahanka ayaana dhaawac uga baxay kulankaas, waxana uu maqan yahay tan markaas.

Norwich-vs-Arsenal




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip