Cristiano Ronaldo iyo Qoyskiisa oo gaaray Turin

0
Monday July 30, 2018 - 20:32:09 in Wararka by
  • Visits: 552
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cristiano Ronaldo iyo Qoyskiisa oo gaaray Turin

    Cristiano Ronaldo ayaa gaaray maanta magaalada Turin si uu ula qaato kooxdiisa cusub tababarkii ugu horeeyay Xiddigii hore ee Manchester United iyo Real Madrid ayaa dhameystiray heshiis 100 milyan oo euros oo u dhigma (£ 88m oo uu ugu wareegay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cristiano Ronaldo ayaa gaaray maanta magaalada Turin si uu ula qaato kooxdiisa cusub tababarkii ugu horeeyay Xiddigii hore ee Manchester United iyo Real Madrid ayaa dhameystiray heshiis 100 milyan oo euros oo u dhigma (£ 88m oo uu ugu wareegay kooxda ka dhisan Serie A.

 

Shaqada tababarka kooxdiisa ayaa u bilaabaneysa maanta xiddiga reer Portugal, kaasoo gaaray Turin galinkii dambe ee xalay.

Juventus ayaa ku jirta safarkeeda United States ee ka horeeya xilli ciyaareedka, iyagoo la ciyaari doona Bayern Munich iyo Benfica kulamo katirsan tartanka International Champions Cup.

Ronaldo kama soo muuqan doono mid kamid ah kulamada saxiibtinimo ee kooxda Juventus sabab la xiriirta inuu xulkiisa kala qeyb galay koobka addduunka.

Dybala, Douglas Costa, Rodrigo Bentancur, Mario Mandzukic, Marko Pjaca, Blaise Matuidi iyo Gonzalo Higuain ayaa sidoo kale ku jira liiska xiddigaha kasoo laabtay fasaxa koobka adduunka.

Ronaldo waxaa ku wehlinayay safarkaan xaaskiisa iyo caruurtiisa oo markii ugu horeysay gaaray Italia.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip