Yaab: Wiil 15 jir ah oo haddana la moodo ilmo yar (Daawo Sawiradiisa)

0
Saturday January 02, 2016 - 09:30:45 in Featured by
  • Visits: 1659
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaab: Wiil 15 jir ah oo haddana la moodo ilmo yar (Daawo Sawiradiisa)

    Raman Raikvar waa 15 jir u dhashay dalka Hindiya, balse muuqaal ahaan u eg ilmo 6 jir ah. Waa uu gaaban yahay, waxaana dherekiisu yahay 32 inch ama ku-dhawaad labo cagood (two feet).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raman Raikvar waa 15 jir u dhashay dalka Hindiya, balse muuqaal ahaan u eg ilmo 6 jir ah. Waa uu gaaban yahay, waxaana dherekiisu yahay 32 inch ama ku-dhawaad labo cagood (two feet). Wiilkaasi oo ka soo jeeda Degmadda Qadian oo ah Degmo yar oo ku taalla Gobalka Punjab ee Waqooyiga dalka Hindiya ayaa ah wiil ay dadku ku madadaashaan, waxayna dadku la yaahan yahay da’diisa iyo sida uu uga muuqaal yar yahay ilmaha faciisa.

Raman Raikvar waxa uu sheegay inaysan murug ku haynin yaraantiisa, wuxuuna sheegay inuu ogsoon yahay inuusan marnaba u kori doonin una dheeraan doonin sida saaxiibadiisa iyo carruurta kale.
Waxa sii kordhayso Shacbiyadiis, wuxuuna haatan Aktar yar ka noqday Degmadiisa.


"Waalidkey Dugsi bay iga soo qoreen, anigana waan jeclahay Waxbarashadda, laakiin ardayda aan isku fasalka nahay iyo kuwo kale wey igu qoslaan, waxayna ugu yeeraan magacyo kala duwan” ayuu yiri Raman Raikvar, wuxuuna intaasi ku daray inuu mararka qaarkood ilmeeyo, marka ay ka diidaan inay ka dhaafaan magacyada xunxun ee ay ugu yeeraan.
Waxa uu sheegay inuu dareemayo inuu madaxa ka korayo, balse qeybaha kale ee jirkiisa weli sidooda yihiin oo aysan korin.
Aabahiisa oo lagu magacaabo Jagannath Raivar oo 47-jir ah ayaa sheegay inuu Wiilkooda gaaban dhashay kadib, markii ay dhaleen 5 gabdhood iyo wiil kale.
Waxa uu tilmaamay inuu si caadi jirkiisa u korayey ilaa uu ka gaaray 3 jir, kadibna ay u geeyeen Dhakhtar oo waxaa la siiyey Daawooyin, balse waxba kama taageerin koritaankiisa.
Raman Raikvar waxa uu shaqo ka helay Bakhaar lagu gado Caanaha , wuxuuna mas’uul ka yahay qabashadda Lacagta.
Milkiilaha Dukaankaasi oo lagu magacaabo Lovely Singh waxa uu sheegay inuu wiilka yar maalin ku arkay isagoo fadhiya meel u dhow Dukaankiisa, una qaatay inuu ilmo yar yahay, balse waxaan ogaaday in Tobaneeyo sanno jiro.
Milkiilaha waxa uu intaasi ku daray inuu go’aansaday inuu shaqo ka siiyo Bakhaarka.
"Markii uu shaqada ii bilaabay waxaan yeeshay Macaamil badan, kuwaasi oo meelo fogfog ka imaanayo si ay u iibsadaan Caanaha” ayuu yiri Milkiilaha oo intaasi ku daray inuu Raman Raikvar si qalbi furan u soo dhaweynayo Macaamiisha, iyadoo uu qof kasta baxayo isagoo u dhoola-caddeynayo.
Milkiilaha waxa uu intaasi ku daray inuu wiilkaasi yar ku heli karo magac iyo hanti, maadaama uu yahay Majaajilistaha ugu yar Caalamka.
15-j 15-jir 15-jir1 15-jirr 15-jirrr 15-jr
Waxaa Turjumay: Axmed Xaaji Ugaaska



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip