Kuwait oo qabaneysa shir lagu taageerayo Waxbarashada Soomaaliya

0
Thursday July 19, 2018 - 12:29:13 in Wararka by
  • Visits: 337
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kuwait oo qabaneysa shir lagu taageerayo Waxbarashada Soomaaliya

    Safiirka dowladda Kuwait ee Midowga Yurub, Nato iyo Belgium-ka Jasem Al Budaiwi ayaa ku dhawaaqay in dowladda Kuwait ay qabaneyso ama martigelineyso shir lagu taageerayo waxbarashada dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiirka dowladda Kuwait ee Midowga Yurub, Nato iyo Belgium-ka Jasem Al Budaiwi ayaa ku dhawaaqay in dowladda Kuwait ay qabaneyso ama martigelineyso shir lagu taageerayo waxbarashada dalka Soomaaliya.

"Waxaan Aamin sanahay in waxbarashada ay tahay waxa ugu muhiimsan, ama ay tahay agabka ugu fiican ee lagula dagaalami karo, Xagjirnimada, argagixisada iyo faqriga”. Ayuu yiri safiirka Midowga Yurub ee dowladda Kuwait.

Shirka looga hadlayo taageerada waxbarashada Soomaaliya, ayuu sheegay in ahmiyad u leeyahay guud ahaan dalka Soomaaliya, iyo shacabka Soomaaliyeed.

"Shirkaasi oo ka dhacaya gudaha Kuwait, wuxuu noqon doonaa mid lagu xaqiijiyo mustaqbalka ubadka Soomaaliyeed, waxaan ugu yeereynaa caalamka inay ka soo qeyb galaan shirka, marka aad wax barto canugaada, waxaad wax bartay ubad dhan”. Ayuu sidoo kale yiri safiirka Midowga Yurub ee dowladda Kuwait.

Arintan ayuu sheegay inay fursad wanaagsan u tahay beesha caalamka oo dooneysa inay cusbooneysiiso taageerada xalinta iyo horumarka dalka Soomaaliya.

"Si wadajir ah, Saaxiibayaal, waan sii wada doonaa dadaalada Qaramada Midoobay taageereyso ee looga baxayo heerka kala guurka, waxaan dooneynaa in shacabka Soomaaliyeed ay dareemaan taageeradeena shacab iyo midda dhaqaale”. Ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Wuxuu sheegay in sanadkii 2017 Soomaaliya ay ku taageereen 50 Milyan oo doolar ayna ku bixin doonaan dhaqaalo kale oo horumarka iyo soo kabashada Soomaaliya lagu taageerayo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip