Xulalka Belgium iyo England ku hardami doona kaalinta 3-aad!

0
Saturday July 14, 2018 - 10:47:34 in Wararka by
  • Visits: 482
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xulalka Belgium iyo England ku hardami doona kaalinta 3-aad!

    Kullanka kaalinta saddexaad ee Koobka Adduunka ayaa galabta lagu kala bixi doonaa xilli ay is wajahaan xulalka Belgium iyo England.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kullanka kaalinta saddexaad ee Koobka Adduunka ayaa galabta lagu kala bixi doonaa xilli ay is wajahaan xulalka Belgium iyo England.

Belgium-ka ayaa qasaaro kala kulmay xulka France wareegga afar dhammaadka, halka England ay dharbaaxo kulul ka dhaxashay ciyaartii Croatia.

Yaa ka maqan labada xul yaase u soo laabtay?

Thomase Munier ayay Belgium dib u heli karaan kaasoo ganaax ku seegay kullankii ay guuldarrada kala kulmeen Faransiiska.

Dhammaan ciyaartoyda England ayaa tababarka shalay wada qaatay mana jiro ciyaaryahan ka maqan kullankan.

Safafka macquulka ah oo ay labada xul isticmaali karaan:

Belgium: Courtois; Alderweireld, Kompany, Vertonghen; Munier, Fellaini, Witsel, Chadli; De Bruyne, Hazard iyo Lukaku.

England: Pickford; Walker, Stones, Maguire, Trippier, Alli, Henderson, Lingard, Young; Sterling iyo Kane.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta u gaarka ah:

Labadan xul ayaa soo wada ciyaaray kullan ka tirsan wareegga Group-yada waana markii ugu horreysey oo laba xul is arkaan laba jeer hal Koob Adduun gudahiisa tan Turkey iyo Brazil 2002.



Belgium ayaa heerkan oo kale ciyaaray horraan hal jeer waxaana xilligaas garaacay France 1986.

Waa xulka keliya Koobkan Adduunka garaacay dhammaan xulalka ka yimaada qaaradaha ka qayb galaya koobka adduunka.

England ayaa horay iyadane hal jeer ciyaartay kullankan, waxaana qasaaro ay kala kullantay Italy 1990.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip