Hadalkii Tababare Sam Allardyce Ee In Klopp Uu Yahay Jarmal Jilicsan, Qaab Ciyaareedka Christian Benteke & Mignolet, Xaalada Dhaawacyada Ciyaartoydiisa Iyo Waxyaabo Uu Klopp Ka Hadlay Ka Hor Kulanka West Ham

0
Thursday December 31, 2015 - 20:06:20 in Sports News by
  • Visits: 755
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hadalkii Tababare Sam Allardyce Ee In Klopp Uu Yahay Jarmal Jilicsan, Qaab Ciyaareedka Christian Benteke & Mignolet, Xaalada Dhaawacyada Ciyaartoydiisa Iyo Waxyaabo Uu Klopp Ka Hadlay Ka Hor Kulanka West Ham

    Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp oo qaybta shirkiisa jaraa'id ee ka horeeya kulanka ay Liverpool u safri doonto kooxda West Ham United ayaa ka hadlay waxyaabo badan oo kooxdiisa kulankan la xidhiidha. Klopp ayaa wax laga waydiiyay hadalkii t

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp oo qaybta shirkiisa jaraa'id ee ka horeeya kulanka ay Liverpool u safri doonto kooxda West Ham United ayaa ka hadlay waxyaabo badan oo kooxdiisa kulankan la xidhiidha. Klopp ayaa wax laga waydiiyay hadalkii tababarha Sunderland eeSam Allardyce kaas oo Klopp ku tilmaamay Jarmal jilicsan.Halkan kaga bogo waxyaabihii uu Klopp shirkiisa jaraa'id kaga hadlay.

 

Jurgen Klopp oo ka hadlaya erayadii Sam Allardyce ayaa yidhi:"Wax dhibaato ah malaha, dad badan ayaa waxyaabo ka xun aniga igu sheegay, ma aha markii ugu horaysay. Mamadou Sakho wuu nool yahay wax kastaana waa caadi, anigu wax dood ah kama qabo kursiga kaydka Sunderland wax kale oo aan sheegaana ma jirto”.

Football Soccer - Sunderland v Liverpool - Barclays Premier League - Stadium of Light - 30/12/15 Liverpool's Mamadou Sakho is fouled by Sunderland's Jeremain Lens Action Images via Reuters / Lee Smith Livepic EDITORIAL USE ONLY. No use with unauthorized audio, video, data, fixture lists, club/league logos or 'live' services. Online in-match use limited to 45 images, no video emulation. No use in betting, games or single club/league/player publications. Please contact your account representative for further details.

"Jarmal jilicsan miyaa? tani markii ugu horaysay ee uu qof igu sheego ma aha, laakiin haddii aad mar labaad fiirisaan qaladkii Lens, waad garan doontaan in aan xukunkayga ku saxsanaa . Aniga fikrad ahaantayda xaaladaha sidan oo kale ah waxaan u xukumaa si ka duwan, sidaa daraadeed haddii aad isbarbar dhigtaan kaadhadhkii digniinta ahaa ee kulankan muxuu kani noqonayaa? taas ayay ahayd waxaan doonayay in aan sheego”.

Klopp oo ka hadlaya suurtogalnimada soo laabashada Daniel Sturridge ee ee kulanka West Ham iyo xaaladaha Joe Allen iyo Origi ayaa yidhi: "laga yaabee in uu Daniel awoodi doono in uu soo laabto sabtida,Joe Allen wuu xanuunsanayaa waxaana waajib anagu ah in aanu sugno, dhakhtarku wuxuu ii sheegay in uu Allen galinkii danbe ee shalay uu madagayay , sidaa daraadeed guriga ayaanu u dirnay isaga. Maya Milner, Origi-na xili hore ayay ku tahay”.Klopp and Sturridge

Klopp oo ka hadalaya diyaar garawga kulamada ka horeeya iyo in shaqada West Ham loogu yeedhay ayaa yidhi: "Haddii aad markasta kulamada adag isku diyaariso, waxaad mararka qaar kulanka ka helaysaa mid sahlan. Xagaagii diyaar maan ahayn, anigu nasiib ayaan lahaa in xiiso badan la iihayay, West Ham waa koox fiican, laakiin waqti qaldan ayay ahayd si la mid ah kooxihii kale ee ila soo xidhiidhay, wax kastaaba waa sax”.payet
Klopp oo ka hadlaya qaab ciyaareedka goolhaye Mignolet iyo heshiis kordhintiisa ayaa yidhi: "Dadka kooxda jooga ayaa ku dhawaaqi doona heshiiska Mignolet, laakiin hadda ma aha, anigu xaqiiqdii waanku qanacsanahay Simon Mignolet, laakiin maalinta xigta ayuu qof iska qori doonaan in aanu shan boqol oo goolhaye oo aduunka jooga xiisaynayno, Anigu waan ku faraxsanahay goolhayayaasha. Waxaan xaqiiqdii aaminsanahayJohn Achterberg iyo shaqada fiican ee uu qabtay waana mid ka mid ah dadka ugu shaqada badan ee aan abid la kulmay”.Klopp and Mignolet
Klopp ayaa qiray wax qabadka fiican ee Benteke wuxuuna yidhi:"Benteke waxa uu qabtay waxa ugu fiican ee uu gooldhaliye qabto, waxa guu helay goolal wax go’aamiyay. In si fiican aad u ciyaarto kooxda oo dhan ayay saamaynaysaa, laakiin waxa ka duwan ee labadii kulan ee ugu danbeeyay waxa uu ahaa dagaalan, si fiican ayaanu dagaalamaynay, fursadahayaga ayaanu helnay Benteke-na fursdaha ayuu ka qaatay. Hore kulamo ayaanu u soo guulaysanay laakiin iska dhex dhexaad ayaanu ahayn, taasina ma aha sida aad ahaanayso haddii aad doonayso qaab ciyaareed joogto ah”.Benteke2
Klopp ayaa ugu danbayn ka hadlay dhaawac Henderson soo gaadhay wuxuuna yidhi: "Waxaa waajib nagu ah in aan yara sugno dhaawaca Henderson, cidhibta ayay ahayd, waxaa suurtogal ah in uu ahaa wax isaga u fiican in aan badalnaa laakiin waan eegi doonaa”.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip