Ronaldo oo ka tegey Real Madrid kuna biirey kooxda Juventus

0
Tuesday July 10, 2018 - 23:02:13 in Wararka by
  • Visits: 566
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ronaldo oo ka tegey Real Madrid kuna biirey kooxda Juventus

    Weeraryahankii naadiga Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa si rasmi ah ugu wareegay lacag gaareysa £88million kooxda Juventus kadib markii naadiga Real Madrid ay siisay fasax uu ugaga tagi karo kooxda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraryahankii naadiga Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa si rasmi ah ugu wareegay lacag gaareysa £88million kooxda Juventus kadib markii naadiga Real Madrid ay siisay fasax uu ugaga tagi karo kooxda.

Ronaldo ayaa kula kulmay hotel ku yaal dalka Giriigga Madaxweynaha naadiga Juventus Andrea Agnelli gelinkii dambe ee maanta waxana ay ku heshiiyeen inRonaldo mushaar ahaan u qaato toddobaad walba lacag gaareysa £500,000.

War ka soo baxay naadiga Real Madrid ayaa lagu sheegay in kooxdu aqbashay rabitaanka Ronaldo ee ah inuu ka tago kooxda Real Madrid, ayna kooxdu oggolaatay in uu u wareego kooxda Juventus.

Cristiano Ronaldo ayaa u mahadceliyay Real Madrid mudadii uu kooxda la joogay ee sagaalka sano ahayd waxana uu qirey in waqtigaas uu ahaa kuwii ugu farxada badneyd ee abid soo mara waxana uu ku tilmaamay go’aanka uu ugaga tegey kooxda inay tahay mid sax ah.

Saacad kadib markii ay Real Madrid ka hadashay ka tegitaanka Ronaldo ayaa waxaa war ka soo baxay naadiga Juventus waxaa lagu xaqiijiyay ku biiritaanka Ronaldo.

Kooxda Juventus ayaa sheegtay in ay siineyso naadiga Real Madrid lacag gaareysa £88m (€100m) iyadoo sidoo kale £10m ay siineyso kooxda uu ku soo barbaaray Ronaldo ka dhisan dalka Portuqal ee Sporting Lisbon.

Ronaldo ayaa ka mid noqonaya afarta laacib ee dunida soo mara kuwaasoo lacagtii ugu badneyd lagu kala wareejisto.

Weeraryahankan oo 33 sano jir ah ayaa mudadii sagaalka sano ee uu ka tirsanaa Real Madrid waxa uu kula guuleystey afar horyaalka Yurub ah iyo koobab kale.

Naadiga ka dhisan dalka Faransiiska ee Paris St-Germain ayaa ku iibsatay labada laacib ee dunida ugu qaalisan Neymar £200m iyo £166m oo ay kula soo wareegtay weeraryahanka Kylian Mbappe.

Juventus ayaa lagu wadaa in 4ta bisha August ee soo socota ciyaar ka tirsan tartanka loo yaqaan International Champions Cup ee ka dhacaya dalka Maraykanka ay wada ciyaaraan naadiga Real Madrid.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip