Jose Mourinho oo Dhameystiraya Laba Saxiix

0
Thursday July 05, 2018 - 21:17:16 in Wararka by
  • Visits: 584
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jose Mourinho oo Dhameystiraya Laba Saxiix

    Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa doonaya inuu dhameystiro saxiixa laba ciyaaryahan ka hor bilowga xilli ciyaareedkaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa doonaya inuu dhameystiro saxiixa laba ciyaaryahan ka hor bilowga xilli ciyaareedkaan.

Red Devils ayaa mashquul ku ah suuqa xagaaga, iyadoo Mourinho uu lasoo saxiixday waqti hore daafaca dambeedka midig ee Diogo Dalot, goolhayaha Stoke Lee Grant iyo ciyaaryahanka qadka dhexe ee Shakhtar Donetsk Fred.

United ayaa ku qarashgareysay sadexdaas ciyaaryahan lacag lagu qiyaasay 70 milyan oo ginni, iyadoo Mourinho uu ku rajo weyn yahay inuu suuqa kula dagaalamo Manchester City

Sida laga soo xigtay jariirada The Metro, tababaraha United ayaa ka shaqeynaya sidii uu ugu soo kordhin lahaa kooxdiisa labo saxiix kale ka hor bilowga xili ciyaareedka.

Mourinho ayaa doonaya daafac dhaxe iyo weeraryahan la dagaalama Romelu Lukaku.

Wargeyska Metro ayaa intaa ku daray in Mourinho uu doonayo inuu lasoo saxiixdo xiddiga Tottenham Toby Alderweireld iyo weeraryahanka Juventus Mario Mandzukic.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip