Mid Kamid Ah Xiddigaha Ugu Caansan Adduunka Oo Aabbihiisa La Afduubay Dilna Loogu Hanjabay!!

0
Wednesday July 04, 2018 - 11:39:24 in Wararka by
  • Visits: 517
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid Kamid Ah Xiddigaha Ugu Caansan Adduunka Oo Aabbihiisa La Afduubay Dilna Loogu Hanjabay!!

    John Obi Mikel ayaa qiray in uu helay wararkii ugu xumaa ee noloshiisa ka hor inta uusan ciyaarin kulankii adkaa ay ku wajaheen Argentina Group D ee koobka aduunka 2018. Xulka qaranka Nigeria ayaa u baahnaa in guul ama barbaro uu helo si uu ugu gudb

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

John Obi Mikel ayaa qiray in uu helay wararkii ugu xumaa ee noloshiisa ka hor inta uusan ciyaarin kulankii adkaa ay ku wajaheen Argentina Group D ee koobka aduunka 2018. Xulka qaranka Nigeria ayaa u baahnaa in guul ama barbaro uu helo si uu ugu gudbo wareega 16-ka koobka aduunka hatan ka socda dalka Ruusia.
Laakiin xulka Argantina uu hogamaaniyay Lionel Messi oo iyagana muhiim ay u ahayd inay guul gaaraan ayaa waxay mu badiyeen 2-1, taasoo sababtay in Nigeria ay tartanka isaga harto.
Wargeyska The Guardian ee dalka England ayaa soo xigtay wareysi uu dhawaan bixiyay kabtanka xulka qaranka Nigeria John Obi Mikel.
"Waxaan helay wicitaan afar saacadood ka hor inta uusan bilaawan kulankii muhiimka ahaa ee Argantina, waxay ii sheegeen in aabahay ay dilayaan hadii aan u shego booliska ama aan cid kale la wadaago”.
"Waxaa qolka igula sugnaa qaar yar kooban ee saaxiibadey ah, mana dooneynin wixii dhacay inaan kala hadlo macalinka, sababtoo ah ma dooneynin in arinteydan ay saameyn ku yeelato kooxda inteeda kale, kahor kulanka Argantina, waxaan doonayay oo aan ku dhawaaday inaan la hadlo macalinka balse waan awoodi waayay”.
"Waxaan ciyaaray xili uu aabahay ku sugnaa gacanta tuugada, waxaan ku qasbanaaday inaan ciyaaro anigoo murugeysan, mana aanan ogeyn waxa aan sameenayay”



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip