Shirkada dahabshiil oo Koob lagu xusayay maalmaha qiimaha leh ee 26 June/ 1 July ku qabtay magaalada Oslo ee dalka Norway.

0
Tuesday July 03, 2018 - 10:59:22 in Wararka by
  • Visits: 696
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkada dahabshiil oo Koob lagu xusayay maalmaha qiimaha leh ee 26 June/ 1 July ku qabtay magaalada Oslo ee dalka Norway.

    Munaasabadda 26 June/1 July ayeey sharikaddaDahabshiil Norway , oo sanad walba u taagan dhiiri galinta dhalinyarada Somaliyeed ee ku nool dalkan Norway ayaa dhigtay koob lagu xusayo munaasabadaas..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabadda 26 June/1 July ayeey sharikaddaDahabshiil Norway , oo sanad walba u taagan dhiiri galinta dhalinyarada Somaliyeed ee ku nool dalkan Norway ayaa dhigtay koob lagu xusayo munaasabadaas..

Laga soo bilaabo sanadkii 2003 ayay shirkadani isku taxalujisay in maalmahan oo kale ay dhalinyaradu isku arkaan , bartaana maalmahan qiimaha u leh taariikhda dadka Soomaalida

Waxaa koobkan 26 June/1 July ka soo xaadiray garoonka Tøyen ee ku yaala magaalada Oslo 12 kooxood oo ka kala socday xaafadaha magaaladan iyo nawaaxigeedaba.

Ciyaarahan oo bilaabmay saacadu markay ahayd 12:00 duhurnimo, socdayna ilaa sagaalkii fiidnimo maalintu Axadii oo ay bishu ahayd 1dii July.

waxay ku bilaabmeen si anshax iyo asluubi ku jiro, taasoo madaxda Dahabshiil ku guubaabiyeen dhalinyaradaa in ay isku dulqaataan oo nabadgalyada iyo wanaaga iyo sharafta maalmahani leedahay ay dhowraan , qadariyaana.

Gudoomiyaha Dahabshiil Mudane Ahmed Cawad ayaa dhalinyarada u sheegay in hadafka ugu wayn ee ay shirkadani ka leedahay in ay sanad walba soo qabanqaabiso ciyaarahan ay tahay in ay dhalinyaradu ka fogaadaan mukhaadaraadka maandooriyaha ah , iyo in ay is dhexgalka dhalinyaradu badato.

Ciyaartii ugu horaysay ayaa waxaa fooda is daray koox ku ciyaaraysa magaca SYL iyo koox ku ciyaaraysay magaca Young talent ee Magaalada Darammen.

Kooxdii ka socotay magaalada Darammen oo iyagu aad u da`yaraa ayaa waxaa looga badiyay 5 iyo 1. Halkaasina ay guushii ku raacday kooxdii ku ciyaaraysay magaca SYL..

Akhristoow ugu danbayntii waxaa kama dambaystii isugu soo baxay koox ku ciyaaraysay magaca Hilaac iyo koox ku ciyaaraysay magaca Skau.

Ciyaartan oo si aad ah loo wada sugayay ayaa waxay ku bilaabmatay weerar iyo weerar celis labada dhinacba. Waxaynan u ekeeyd in ay labada kooxoodba ay si wanaagsan u soo wada tashadeen , gaar ahaan xaga difaaca iyo weerarkaba.

Kooxda Hilaac oo u muuqday in ay xaga difaaca iyo dhamaystirkaba ay ka dhisnaayeen ayaa gool aad u quruxbadan, si fiicana looga soo shaqeeyay ku dhalisay halkaa.

Qaybtii hore ee ciyaartuna waxay ku dhamaatay 1 iyo 0.

Qaybtii danbe ciyaarta ayaa kooxdii Skau ay kubada dhexda ka soo dhiseen 3, 4 baas ka dib ay halkaa Gool ku dhaliyeen.

Ciyaartiina waxay ku dhamaatay 1 iyo 1.

Ugu danbayntii ayaa waxaa halkaa loo kala dhigay regoorayaal labada dhinacba.

Akhriste kooxdii ku ciyaaraysay magaca hilaac ayaa 5toodii regooraba dhaliyay, halka kooxdii ku ciyaaraysay magaca Skau uu 4 dhaliyeen, ayna khasaariyeena hal regoore.

Halkaana waxay guushii ku raacday kooxdii ku ciyaaraysay magaca Hilaac.

Waxaa halkaa lagu gudoonsiiyay koobkii guusha , iyo biladii ciyaar wanaaga.

Gudoomiyaha Shirkada Dahabshiil ayaa halkaa ku gudoonsiiyay Koobkii iyo casho sharaf uu la qaatay kooxda Hilaac oo sanadkan koobkii 26 June/ 1 July ku hantiyay koobkii Dahabshiil.




thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail

 

Qore Mahad Abdule.

turbashaash@gmail.com.

XIGASHO"=HIRAAM.COM



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip