Dhageyso:-RW Kheyre"Looma Dulqaadan Doono Siyaasiyiinta Mucaaradka Ee Dib U Dhigaya Dalka"

0
Sunday June 24, 2018 - 21:02:07 in Wararka by
  • Visits: 306
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:-RW Kheyre"Looma Dulqaadan Doono Siyaasiyiinta Mucaaradka Ee Dib U Dhigaya Dalka"

    Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in waqtiagan dalka Soomaaliya uu dhinac walba ka gaaray horumar,isla markaana taasi ay sabab u tahay shaqa adag oo ay sameeyeen madaxda dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in waqtiagan dalka Soomaaliya uu dhinac walba ka gaaray horumar,isla markaana taasi ay sabab u tahay shaqa adag oo ay sameeyeen madaxda dalka.

Waxa uu sheegay in dalkeena guulaha uu gaarey ay ka mid yihiin dhinacyada dhaqaalaha,Amniga,Siyaasada loo dhan yahay,dhinaca xiriirka Caalamiga ah iyo la-dagaalanka musuq maasuqa,isla markaana cid allaala cidii isku-dayda in dalka dib ay u celiso aan loo dul qaadan doonin.
"guul walba oo dalkeena uu gaaro waxay ku timaadaa dadaal badan oo la sameeyey,laakin waxaa jira kuwa ay dhibeyso mar walba in kobac dhaqaale iyo in horumar la gaaro laakin waxan leeyahay wuu dhamaaday waqtigii la’idiin dulqaadan jiray ayuu yiri Ra’iisul Wasaare kheyre.

Hadalkaan ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxa uu ka jeediyey munaasabad lagu dhameystirayey soo celinta Maamulka Hawada Soomaaliya taas oo lagu qabtay Magalada Muqdisho.



 

Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Audio Player
 
XIGASHO:-RADIODALSAN.COM


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip