Goolkii guusha ee dhashay daqiiqadii 90-aad

0
Saturday June 23, 2018 - 18:21:19 in Wararka by
  • Visits: 491
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Goolkii guusha ee dhashay daqiiqadii 90-aad

    Kooxda xulka kubbada caggta Switzerland ayaa qaaday tallaabo weyn, kadib markii ay usoo gudubtay kooxaha 16-ka ee Koobka Adduunka markii ay ciyaarta maraysay 90-ka daqiiqo , waxayna ka badisay kooxda Serbia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda xulka kubbada caggta Switzerland ayaa qaaday tallaabo weyn, kadib markii ay usoo gudubtay kooxaha 16-ka ee Koobka Adduunka markii ay ciyaarta maraysay 90-ka daqiiqo , waxayna ka badisay kooxda Serbia.

Ninka u ciyaara kooxda Stoke City Xherdan Shaqiri ayaa gool qurux badan kaligiis dhaliyay daqiiqadii ugu dambeysay ciyaarta, isaga oo xitaa dabo maray gool hayihii Serbia Vladimir Stojkovic.

Switzerland waxa ay hadda heysataa 4 dhibcood, iyada oo la siman kooxda Brazil, balse waa in ay marka hore kasoo badisaa Brazil si ay uso gudubto markale.

Balse sheekada meel kale ayaa la yaab ka leeyahay, Serbia waxa ay horey uga tirsanaan jirtay dalkii Yugoslavia ka hor intii aysan ka go’in sanadkii 1990-kii, balse waxa ay markiiba dagaal ku qaadday gobolka Kosovo oo doonayay in uu ka go’yo, illaa markii dambe ciidamo Qaramada Midoobay ay soo farogaliyaan.



Kosovo waxa ay madaxbanaani heshay sanadkii 2008-dii. Haddabe Shaqiri ayaa reerkooda kasoo haajireen Yugoslavia, isaga oo ilmo ah ayaana la geeyay dalka Switzerland, asal ahaana wuxuu kasoo jeedaa Kosovo oo Serbia ka go’day.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip