Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway oo Ra'iisul Wasaare Khayre Kulan soo Dhaweyn ah ugu Sameeyey Oslo

0
Thursday June 21, 2018 - 20:55:22 in Wararka by
  • Visits: 272
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway oo Ra'iisul Wasaare Khayre Kulan soo Dhaweyn ah ugu Sameeyey Oslo

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khaye, ayaa magaalada Oslo ee xarunta dalka Norway kula kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee waddankaasi ku dhaqan, kadib munaasabad ballaaran oo ay u sameeyeen wafdiga Ra'

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khaye, ayaa magaalada Oslo ee xarunta dalka Norway kula kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee waddankaasi ku dhaqan, kadib munaasabad ballaaran oo ay u sameeyeen wafdiga Ra'iiul Wasaaraha oo maalmihii u danbeeyey halkaasi ku sugnaa.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa ka qeyb galayaasha Munaasabadda u jeediyay khudbad dhinacyo baadan taabanaysa oo khuseysa xaaladda dalka, horumarrada la gaaray iyo rejada wanaagsan ee laga qabo in Soomaaliya ay mar kale cagadeeda isku taago, isaga oo u sheegay in looga baahanyahay bulshada Soomaaliyeed ee dalkaas in ay ka qayb qaataan horumarka dalka.

Munaasabaddaan ballaaran ee lagu soo dhowaynayey Ra’iisul Wasaaraha, ayaa waxaa soo agaasimay ururka ardayda Soomaaliyeed ee dalka Norway oo aasaasayaashiisii uu kamid ahaa Ra’iisul Wasaare Khayre sannadku markuu ahaa 1994-kii, sidoo kalana uu gudoomiye ka soo noqday.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay inuu aqoon wanaagsan u leeyahay dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Norway maadaama uu in badan ku noolaa dalkaasi, waxuuna tilmaamay in ay yihiin bulsho hadii ay dawladda taageeraan wax badan ku soo kordhin kara horumarinta dalka iyo dawladnimada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mid mid uga jawaabay Su’aalo ay weydiiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer Norway, waxuuna ku boorriyay inay dadaalaan, oo ay taladooda, aqoontooda iyo waaya-aragtinamadooda u biiriyaan dawladda.

Wasiirka maaliyadda Xukuummada Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, oo munaasabadda ka hadlay ayaa faahfaahiyay horumarka dhanka dhaqaalaha ee laga sameeyey dalka muddadii ay jirtay xukuummadda uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Khayre.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Nowray ayaa iyana waxa ay Dawladda Soomaaliyeed ku ammaaneen waxqabadka muuqda, iyaga oo ugu duceeyey in Illah uu ku guuleeyo hawlaha qaran ee loo igmaday.

35836862 1697298723700387 114996898946875392 n
35894328 1697273643702895 338420552223948800 n
35922547 1697272757036317 776653223829176320 n
35838268 1697273823702877 2279820541101604864 n
35832658 1697274433702816 7380403829293973504 n
35812670 1697273960369530 1543459414793519104 n
35784752 1697272770369649 878182101768208384 n
35756920 1697272753702984 7276459345783554048 n



©2018 OPM | Mogadishu | Somalia


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip