HALKAAN KA AKHRISO:-WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHUT IMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 21-KA JUUN 2018-KA

0
Thursday June 21, 2018 - 10:37:36 in Wararka by
  • Visits: 407
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:-WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHUT IMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 21-KA JUUN 2018-KA

    RAISULWASAARE KHAYRE OO LA KULMAY DHIGGIISA NORWAY ERNA SOLBERG … Ra'iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, oo ku sugan magaalada Oslo ee caasimadda dalka Norway ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

RAISULWASAARE KHAYRE OO LA KULMAY DHIGGIISA NORWAY ERNA SOLBERG … Ra'iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, oo ku sugan magaalada Oslo ee caasimadda dalka Norway ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalkaasi, Erna Solberg. Labada Ra'iisul Wasaare ayaa kawada hadlay adkeynta Xariirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Norway, horumarka, maalgashiga, kobcinta dhaqaalaha, iyo taageerada ha y'adaha amniga Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa u sheegay dhiggiisa dalka Norway, Erna Solberg in Dawladda Soomaaliya ay horumar ka sameysay siyaasadda, dhaqaalaha, la dagaallanka musuqmaasuqa isaga oo ka codsaday dawladda Norway in taageero ballaaran ay la garab istaagto Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Erna Solberg ayaa soo dhaweysay horumarrada Baaxadda leh ee Soomaal iya ay ku tilaabsaneyso, waxa ayna shaaca ka qaaday in Norway ay ka go’antahay garab istaagga Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa dhanka kale kulan la qaatay wasiirka horumarinta caalamiga ah ee dalka Norway Nikolai Astrup isaga oo kulamo looga hadlay qorshayaal muhiim u ah shacabka iyo Dawladda Soomaaliyeed horay ula yeeshay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Wasiirka arrim aha dibadda Norway iyo agaasimaha Xarunta Wadatashiga arimaha Bini’aadninimada.

WASIIRKA CADDAALADDA OO KORMEERAY XARUN LAGU DHAQANCELIYO DHALINYARADDA KA TIMID ALSHABAAB

Wasiirka wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Avv. Xasan Xuseen Xaaji ayaa shalay kormeer ku tagay xarunta Sarindiee Muqdisho, taasi oo lagu dhaqanceliyo dhallinyarada ka soo baxda AlShabaab.

Wasiirka, ayaa markii uu gaaray xaruntaasi waxa uu warbixin ku saabsan xaaladda nololeed ee dhallinyaradaasi ka dhageystay saraakiisha maamulka iyo kuwa ammaanka ee xaruntaasi.

Intaasi kaddib wasiirka waxa uu ku soo wareegay dhammaan qeybaha ay ka koobantahay xaruntaasi, isagoo u kuurgalayay xaaladda nololeed, caafimaad, waxbarasho iyo jiifkooda sida uu yah ay. Avv. Xasan Xuseen Xaaji wasiirka Caddaladda iyo Garsoorka Soomaaliya ayaa aad ugu amm aanay mas’uuliyiinta xaruntaasi daryeelka wanaagsan oo ay u fidiyeen dhallinyarada ka timid Shaba ab.

Wasiirka ayaa sheegay in wasaaraddu ay gacan buuxda ka geysandoonto dhaqancelinta dhall inyradaasi, isaggoo dhinaca kale tilmaamay in wasaaraddu ay wax ka qaban doonto cabashooyin ka soo gaaray dadweynaha oo ku saabsan dhinaca garsoorka.

SOMALILAND OO BOQOR BUUR MADOW OO SHALAY XABSIGA KA SII DAYSAY.

Wararka ka imaanaya Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa waxay sheeg ayaan in shalay la sii daayay Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) oo horay Maxkamad ku taalla Magaaladaasi ay saddex sanno oo xabsi ah ugu xukuntay.

Saxafiyiinta ku sugan Magaalada Hargeysa ayaa xaqiijiyay in 60 maalmood kadib shalay xabs iga laga siidaayay Boqor Buurmadow.

Dhanka kale Somaliland waxay horay ugu eedeysay in uu ka soo horjeedo madaxbaanida Somaliland, Boqor Buurmadow ayaa kaga qaybgalay degaanka Carmo ee Puntland Caleemosaarka Beel daajiye cusub, waxaana xukunkiisa lala xiriirinayaa hadal uu ka jeediyay munaasibaddii caleemo saarka Beel Daajiyahaasi.

MAXKAMADDA CQS OO XUKUNTAY SARKAAL KA TIRSAN CIIDANKA XOOGA DALKA SOOMALIYEED

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda Ciidamada hor keenay da cwad ka dhan ah Xidigle Xoogga Dalka Mowliid Cali Cabdi oo dil bareer ah u geystay Ex, Dable Ax med Nuur Xuseen oo ay ka wada tirsanaayeen Urur ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Sooma aliyeed.

Xeer ilaalinta ayaa soo bandhigay Cadeymihii laga qoray eedeysanaha, warqadda dhimashada marxuumka ay qolyaha caafimaadka ku cadeeyeen dhimashada, qorigii lagu dilay iyo laba askari oo goob joog u ahaa falkaasi.

Intaas kedib ayaa waxaa doodda qaatay Qareenkii difaacayay eedeysanaha, waxa uuna maxkamadda ka hor sheegay in eedeysanaha dambiga geystay uu difaacayay naftiisa isagoo qiil kaga dhigay in uu ka da’weynaa, balse ay ka xun yihiin wixii dhacay oo dil ah taa bedelkaadna ay diyaar la yihiin Diyada Marxuumka.

Garsoorayaasha Maxkamadda oo eegaya Eedda Xeer Ilaalinta, Cadeymaha Warqadaha Dhim ashada, Markaatiyaasha, Qorigii lagu dilay Marxuumka iyo Qiraalka uu ka hor cadeeyay Maxkamadda aya go’aan ku gaareen In Mowliid Cali Cabdi uu yahay dambiile galay dambiga lagu soo oogay, waxa ayna Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay DilToogasha ah oo ah Qisaasta Ex, Dable Axmed Nuur Xuseen iyadoo sidoo kale ka xayuubisay Darjadii Ciidan uu lahaa, Sida uu u sheegay Warbaahinta G/sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda D, 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Dambiilaha dil ka geystay waxaa u furan rafcaan oo u qaadan karo Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida hadii uusan ku qancin xukunka Maxkamadda.

KENYA OO 1 MILLION OO SHILINKEEDA DUL DHIGTAY RAG KA TIRSAN ALQAACIDDA

Sida uu daabacay wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Kenya ayaa sheegaya in ciidanka Booliska dalkaasi ay baadi goobayaan dad fara badan oo lala xariirinayo in ay qeyb weyn ka qaateen weerarkii bishii February aynu kasoo gudubnay ka dhacay deegaanka Qarsa oo hoos yimaada magaalada Wajeer ee waqooyi bari dhulka Soomaaliya ee ay maamusho dowladda Kenya, kaa oo galaaftay noloshain ka badan Sadax ruux halka tiro kale ay ku dhaawacmeen.

Mumina Eroba oo ah hooyada dhashay Abdiwahab Osman Ahmed ayaa la sheegay in wiilkaasi uu ahaa xubintii ugu weyneyd ee suura galisay weerarkaasi lagu qaaday deegaanka Qarsa, iyadoona labo kamid ah dadkaasi la dilay ay ahaayeen Macalimiin wax ka dhigayay School ku yaalla deegaankaasi.

Dhanka kale ciidamada Booliska Kenya ayaa sidoo kale 1 Million oo shilinka Kenya ah dul dhigtay dad looga shakisan yahay in ay qeyb ka qaateen weerarkaasi iyadoona la shaciyay qar kamid ah dadkii lacagta la dul dhigay oo ay kamid yihiin Ahmed iyo sidoo kale Ahmed Debar sida ay sidaasi waxaa warbaahinta u xaqiijiyay gudoomiyaha Wajeer dhulka Soomaaliya ee ay maamusho dowladda Kenya.

Taliyaha ciidamada Booliska deegaanka Qarsa ayaa carabaabay in Abduwahab Osman uu ka ahaa macalin dugsi ku yaala Xaafada Halane gaara ahaan masjidka Taqwa intii u dhaxeysay 2014 kii ilaa sanadii 2016 kii intaas kadibna sanadii 2017 dii bishii march la rumeysan yahay in uu soo aaday Soomaaliya si uu uga bar bar dagaalamo garabka Alqaacidda Soomaaliya ee Al shabaab.

Ciidamada Booliska ka deegaanka Waqooyi Bari dhulka soomaaliya ee Kenya ayaa usheegay dadka deegaanka in ay la soo xariiraan hadi ay arkaan dadkaasi loga shakisan yahay in ay xubin muhiim ah u ahayeen weerarkaasi bishi February kadhacay deegaanka qarsa ee dagmada Wajeer.

IMAARAADKA OO MUWAADINIINTIISA UGA DIGAY IN AY U SAFRAAN SOMALIA

Dowadda isu taga Imaaraadka Carabta ayaa muwaadiniinteeda uga digtay in ay u safraan dalal ay ku jirto Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka ayaa looga digay in muwaadiniinta dalkaasi ay u socdlaan 13 dal oo ay ka mid tahay Soomaaliya.

Waxaana ka mid ah dalalkaasi Afghanistan, Pakistan, Ukraine, Somalia, Nigeria, Koofurta Suudaan,Syria,Ciraaq,Brazil,Congo, Liibiya iyo Yemen.

Digniintan ayaa loo sababeeyay arrimo dhanka amniga ah iyo Qatar soo wajihi karta muwaadiniinta Imaaraadka Carabta, haddii ay tagaan dalalkaasi.

Tallaabadani ayaa imaaneysa, xilli dowladaha Imaaraadka iyo Soomaaliya ay isku khilaafeen go’aankaii dhex dhexaadnimada ahaa oo ay dowladdu ka qaatay khilaafka wadamada Khaliijka.

KUSIMAHA RW OO KA HADLAY MUHIIMMADDA DEJINTA SIYAASADDA DARYEELKA BARAKACAYAASHA IYO QAXOOTIGA

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka xukuummadda Federaalka Soomaaliya ahna Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Mahdi Maxamuud Guuleed ( Khader) oo shalay furay Mashruuca taageerada horumarka iyo dhaqan gelinta siyaasado lagu Daryeealyo Qaxootiga dalka kusoo laabanaya iyo Barakacaasha gudaha ayaa sheegay in ay muhiim tahay in laga wada tashado sidii xal waara loogu heli lahaa siyaasad mideysanna looga yeelan lahaa arimaha Qaxootiga iyo Barakacayaasha.

"Qof kasta oo Soomaali ah waxa uu noqday Qaxooti ama Barakece. Waa fududdahay in dhibkii kugu dhacay aad ka hadasho kadibna aad qeyb ka noqoto xalka iyo sida loogu heli karo siyaasadda ugu habboon ee daryeelka Baracayaasha iyo qaxootiga soo laabanaya”, ayuu yiri kusimaha Ra’iisul wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka xukuummadda ayaa sheegay in ay sameynta siyaasadda ay saldhig u yihiin Dawlad gobaleedyada iyo maamulka Gobalka Banaadir maadaama barakacayaashu ay kula suganyihiin goballada dalka, Qaxootiga soo laabanaya ay deegaansanayaan goballada.

Waxa uu sheegay kusimaha Ra’iisul Wasaaruhu in Colaadaha, Abaaraha iyo Daadadku ay kamid yihiin Sababaha keena Barakaca, ayna tahay in qorshaha lagu daro sidii loo yareyn lahaa dhamaan waxyaabaha laga dhaxlo barakaca.

"Siyaasadda Daryeelka Barakacayaasha iyo Qaxootiga kusoo laabanaya dalka waa Masuuliyad qaranka Saaran si gaar ahna u saaran Maamul Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir. Waa laga maarmaan in aan isla fahamno daryeelka, xuquuda iyo waxyaabaha aasaasiga u ah”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Soomaaliya.

Mudane Mahdi Maxamuud Guuleed ayaa sheegay in Ku dhawaad 2.6 milyan oo Soomaali ah ay barakac ku yihiin gudaha dalka sidoo kale 1.1 milyan oo Qaxooti Soomaaliyeed ah ay ku suganyihiin guud ahaan caalamka ayna lagama maarmaan tahay in siyaasadda lagu daryaalayo la meel mariyo si tacaddiyada ay la kulmaan meesha looga saaro.

ISKUSHAANDHEYN & ISBEDEL LAGU SAMEEYEY TALIYAYAASHA SALDHIGYADA BOOLISKA MUQDISHO

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyed Gen,Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko,ayaa isbedel iyo iskushandheyn waxa uu ku sameeyey taliyayaashii saldhigyada Booliska Gobolka Banaadir.

Isbedelakan ayaa waxa uu saameeyey taliyaashii hore,waxaana sidoo kale la soo kordhiyey taliyayaal cusub oo loo magacaabay Saldhigyada Booliska Gobolkan Banaadir oo ay ka mid tahay Haweeney.

Hoos Ka Akhriso Isbedelada lagu sameeyey talisyada Booliska Saldhigyada Muqdisho.

1.Taliyaha cusub ee degmada Waaberi ayaa waxaa loo magacaabay Gaashaanle Xabad.

2.Taliyaha cusub ee degmada Shangaani ayaa waxaa loo magacaabay Kabtan Raxma Salaad.

3.Taliyaha cusub ee degmada Shibis ayaa waxaa loo magacaabay Gaashaanle Dhexe Macalin Daahir.

4.Taliyaha cusub ee degmada Boondheere ayaa waxaa loo magacaabay Kabtan Saciid oo ahaa Taliyihii Booliska degmada Shangaani.

5.Taliyaha cusub ee degmada kaaraan ayaa waxaa loo magacaabay Gaashaanle Canjeex oo ahaa Taliyihii Booliska degmada Wartanabadda.

6.Taliyaha Ciidanka Booliska degmada Xamar Jajab ayaa waxaa loo magacaabay Gaashaanle Jimcaale.

7.Taliyaha Booliska degmada C/casiis ayaa waxaa loo magacaabay Kabtan Axmed Baashane.

8.Taliyaha Ciidanka Booliska degmada Xamar Weyne ayaa waxaa loo magacaabay Kabtan Maxamed.

Lama oga waxa soo dadajiyay Isbadalkan lagu sameeyay Taliyayaashii Booliska, waxaase jira warar soo xoogeysanayay oo la xiriiray Isla xisaabtan Taliska Guud ee Booliska ku waday shaqada Hogaanada Booliska degmooyinka Gobolka Banaadir.

DUQA MUQDISHO OO XILKA QAADIS KU SAMEEYAY GUDDOOMIYEYAAL

Kadib wareegto ka soo baxday xafiiska duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa xilalkii looga qaaday guddoomiye ku xigeenada iyo xoghayeyaasha degmooyinka Yaaqshiid, Heliwaa iyo Kaaraan ee gobolkan Banaadir.

Wareegtadan ayaa la sheegay in daraad uu soo saaray guddoomiye Yariisow, islamarkaana xilalkii looga xayuubiyay mas’uuliyiintaasi.

Lama oga illaa iyo iminka u jeedka rasmiga ah ee ka dambeeya in xilka qaadis lagu sameeyo xubnahaasi.

Isbadalkani ayaa lagu soo warramayaa in uu qeyb ka yahay qorshe cusub oo uu wado maamulka gobolka Banaadir. Guddoomiyaha gobolka Banaaidr Eng Yariisow ayaa horay xilka qaadis ugu sameeyay guddoomiye waaxeedyo iyo agaasimeyaal ka tirsanaa maamulkiisa.

MAXAA KU SOO KORDHAY QARAX KHASAARE GEYSTAY OO KA DHACAY MUQDISHO

faah Faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaare geystay oo shalay ka dhacay wadada weyn ee Maka Almukarama degmada Hodan ee Magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhax dhacay gudaha gaari nuuca raaxada ah oo marayay wadada Maka Al mukarama gaar ahaan garaashka Xaaji Baasto degmada Hodan ee gobalka Banaadir.

Sarkaal katirsan laamaha amniga magaalada Muqdisho ayaa Simba u xaqiijiyay in qaraxa uu ku dhaawac may hal ruux oo saarnaa gaariga , sido kale ahaa arday wax ka barta mid kamid ah jaamacada Muqdisho.

Khasaaraha rasmiga ee uu dhaliyay qaraxa ayaa gaaraya dhaawaca laba ruux oo mid uu ahaa wadihii gaariga halka midka kale ay aheyd gabar saarneyd mooto bajaaj halkaasi mareysay.

Goobjooge la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay qaraxa kadib goobta in goobta ay gaareen saraakiil iyo ciidamo katirsan laamaha kala duwan ee ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwaa oo halkaasi ka qaaday dhaawacyada labada ruux ee ku dhaawac m qaraxa ka dhacaymagaalada Muqdisho.

Labada ruux ee dhaawacmay ayaa hada yaala mid kamid ah isbitaalada magaalada muqdisho, sido kale majirto ilaaa iminka cid sheegatay masuuliyada qaraxaasi dhaliyay dhaawacyada labada ruux.

MAXAAD KALA SOCOTAA ISBADALKA SIYAASADEED EE 

KADHACAAYA TURKEYGA DHAWAAN

doonaan 24 ka bishan hadii rabbi idmo doorasho taariikhi ah oo ay marki ugu horeysay taariikhda Turkey ga Hal maalin oo qura lawada dooran doonaa Madaxweynaha dalka uu yeelanayo Iyo Xubnaha Baarlamaanka dalka, iyadoo marki hore lakala dooran jiray xiliyo kala duwan. Doorashadan ayaa ah mid isha lagu wadahaayo gudaha Iyo dibada turkeyga waxeyna bog cusub ufureysa siyaasada iyo taariikhda dalka aan walaalaha nahay ee Turkey ga.

2017 Waxaa dalka turkeyga cod loo qaaday qaanuun ama tastuurka dalka yeelanayo kaa oo awoood dheeri ah siin doona Madaxweynaha kuguuleysta doorashada soo socota iyadoo dadka ucodeeyay Haa 51.41 halka intakalana ucodeeyeen maya 48.59. Nidaamkan cusub ayaana siinaya madaxweynaha awood dheeri ah.

Qaab dhismeedka Dowlada turkey ga ayaa ah ama udhisan hada sidan:

1 Hayada Sharci dajinta

2 Hayada Fulinta (Madaxweynaha, Raisulwasaaraha Iyo Wasiirada.

3 Hayada Cadaalada

Waxaana xisbiga kuguuleesta kuraasta ugu badan ee Baarlamaanka marki hore uu maamuli jiray aqlabiyada Baarlamaanka Iyo Hayada Fulinta iyadoo Madaxweynaha dhexdhexaad kayahay xisbiyada oo dhan waxaase si madaxbanaan howshooda uwadanjiray Hayada Cadaalada.

Balse nidaamkan cusub oo ay hada rabaan in ay uguuraan ayaa baabi’inaya kursiga RaisulWasaaraha waxaana howshiisa lawareegaya Madaxweynaha oo isku noqonaya Madaxweynaha Jamhuuriyada ahna madaxa laanta fulinta ama xukuumada. Wuxuuna Madaxweynaha soo magacaabayaa Madaxweyne kuxigeenka dalka, golaha wasiirada Iyo xubnaha sar sare ee u adeegayaasha bulshada (Civil Servants) waxaana xilli shaqeedka xafiiska Madaxweynaha cusubi noqonayo 5 ta sano ee soo socota. Sidoo kale wuxuu Madaxweynaha awood uyeelanayaa soo jeedinta Budget ka Dowlada kushaqeyneeso (Budget proposal) isagoo ugudbinaya fadhiga Baarlamaanka oo uu uga baahanayo umeel marin.

Nidaamkan cusub ayaan uga baahandoonin Madaxweynaha dhexdhexaadnimo xagga xisbiyada ah maadaama uu isku yahay Madaxweynaha ahna Madaxa xukuumada iyadoo nidaamki hore madaxa kuxuumada ufasaxayay kushaqeynta ajandaha xisbigiisa midkan cusub na uu taa kala simanyahay.

Waxaa iyadana muhiimad gaara leh oo nidaamkaan cusub madaxweynaha awood usiinayaa in Madaxweynaha kala diri karo xubnaha Baarlamaanka inta lagu guda jiro xilli shaqeedkooda waxaase kadhalanaya in isagana uu labaxo waa madaxweynahee maadaama nidaamkan cusub dhigayo waxaa hal maalin oo qura lawada dooranayaa Madaxweynaha Iyo Xubnaha Baarlamaanka taa oo markale uhorseedeysa Madaxweynaha inuu doorasho cusub soo galo isagana.

Waxaa sidoo kale Baarlamaanka Turkeyga lagu soo kordhin doonaa kuraas dheeraad ah oo gaaraya 50 kursi waxeyna wadarta guud ee Baarlamaanka turkeyga noqoneysaa 600 oo Xildhibaan halka marki hore uu Ka ahaa 550 mudane.

Waxaa iyana meesha kabaxaaya sameynta Maxkamadaha Military ga iyagoo loo isticmaali doona qaadista Iyo anshax marsiinta Xubna ciidamada oo kaliya waxaana howshoodi kale oo dhan lawareegaya maxkamadaha rayidka.

Waxaa kuguuleysanaya Madaxweynaha cusub ee turkeyga Musharixi hela 50% codadka ladhiibtay.

Waxaan Allaha Sw ka baryayaaa inuu guul uga soo hooyo Aabaha iftiinka Soomaaliya Mudane

Fadlan uduceeya una muujiya garab istaagiina anigoo idin leh waliba marka ay natiijada doorashada Madaxweyne Erdogan soo baxdo in laga dareemo Guud ahaan gayiga Soomaalida oodhan dunidana dareento meesha uu naga joogo isaga Iyo shacabkiisaba.

QORE: ABDIRAHMAN ADAN OSMAN (KAMPALA)

BOGGA CAYAARAHA

Hordhac: Argentina Vs Croatia: Lionel Messi Oo Doonaya In Uu Saxo Wixii Ka Khaldamay Kulankii Hore, Laakiin Ka Hor Yimid Ciidanka Croatia

Xulka qaranka Argentina ayaa la ciyaari doona dhigiisa Croatia kulan xiiso leh oo ay labada xul wax walba u samayn doonaan sidii ay 3-da dhibcood ku heli lahaayeen.

Argentina ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo bar-baro niyad jab leh kala kulmay xulka Iceland kulankoodii ugu horeeyay ee koobka adduunka waxana ka go,an in ay helaan saddexda dhibcood hadii ay doonayaan in ay fiicneeyaan rajadooda u soo bixista wareega xiga.

Dhanka kale Croatia ayuuna cadaadis badan ku saarnayn in ay guul gaaraan maadama bar-baro ama guul ay ka gaaraan ay ka caawin doonaan in ay hal lug la galaan wareega xiga ee 16-ka.

Kulanka: Argentina Vs Croatia

Tartanka: Koobka Adduunka

Wakhtiga: 9:00 Habeenimo

Garoonka: Nizhny Novgorod Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulankan ayaa noqon doona midkii 5-aad ee ay wada ciyaaraan xulalka Argentina iyo Croatia xilli saaxiibada Messi ay badiyeen 2 kulan halka Croatia badisay hal kulan mid kalena bar-baro ku kala bexeen.

Croatia ayaa laga badiyay dhamaan 4-tii kulan ee koobka adduunka ay la ciyaartay xulalka South America iyada oo hal kulan la ciyaartay 4-tii koob adduun ee ugu dambeeyay.

Lionel Messi ayaa dhaliyay gool kulan kasta oo ka mid ah 2-dii kulan ee hore ee uu ka hor tagay Xulka Croatia Isaga Croatia ka dhaliyay goolkii ugu horeeyay ee xulkiisa Argentina sanadkii 2006.

Croatia ayaa gool dhalisay mid kasta oo ka mid ah 5-tii kulan ee koobka adduunka waana rikoorka ugu dheer rikoorka gool dhalinta tartanka.

SPAIN OO NAFLE CAARI GUUL KAGA GAARTAY XULKA IRAN CAYAARTOODA LABAAD EE KOOBKA ADDUUNKA

Xulka La Roja ayaa guul ay ku silceen waxa ay ka gaareen Iran cayaar ku idlaatay 1-0

Cayaarta qeybkeeda kowaad ayaa lagu kala maray 0-0 iaydoo labada dhinac ay sameyeen dhawr isku day.

Balse markii dib loogu soo laabtay kaambiyaha damnbe Diego Costa ayaa u dhaliyay Spain goolka qura oo ay guusha ku gaareen.

Waa goolkii seddxaad oo uu dhaliyo laacibka kooxda Atletico Madrid laba kulan ee la cayaaray koobka adduunka.

Spain waxay hogaanka Group B qeyb kala tahay Portugal oo waxa ay wada lee yihiin min afar dhibcood.

Iran ayaana rajadooda koobka ku xiran tahay kulan soo aadan oo ay la dheeli doonaan Portugal maadama ay lee yihiin seddax dhicood kadib guushoodii ay ka gareen Morocco kulankii koowaad.

GROUP C

June 21 05:00Denmark vs Australia? - ?

June 21 08:00France vs Peru? - ?

ITOOBIYA OO SOO DHAWEYSAY ERGADA ERITREA AY U SOO DIRSANAYSO ADDIS ABABA

Ra'iisalwasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmad ayaa soo dhaweeyay uguna hambalyeeyay madaxweynaha Eritrea Isaias Afewerki aqbalaadda uu aqabalay baaqii Itoobiya ee ahaa in la dhammeeyo murankii dhanka xadka labada waddan ku saabsanaa ee mudada dher soo jiitamayay.

Arrintan ayaa ka dambaysay markii madaxweynaha Eritrea Isaias Afewerki uu sheegay in uu wafdi u dirayo magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya si loo sii wado baaqii nabadda iyo Itoobiya oo ogolaatay go'aankii guddiga Qaramada Midoobey uu ka gaaray murankii xadka labada dal.

Dagaal labadanmi dal dhex maray intii u dhaxeysay sanaddadii 1998 iyo 2000 ayaa la sheegayaa in Itoobiya ay uga dhinteen qiyaastii 50,000 oo qof halka Eritrea ay uga dhinteen qiyaastii 20,000 oo qof.

Bishan horaanteedii ayaa isbahaysiga Itoobiya xukuma ee EPRDF wuxuu aqbalay go'aankii 2002 uu gaaray guddigii Qaramada Midoobey ay u saartay muranka xadka labadani dal oo siiyey Eritrea dhulkii la isku haystay.

Madaxweynaha Eritrea Issaias Afwerki oo Tv dalkiisa ka hadlay oo ka jawaabaya baqii nabadda ethiopia wuxuu yiri.

Madaxweyne Afawerki wuxuu ka hadlay wixii hore u kala qabsaday lada dal, wuxuuse yiri marka la eego sida xaalku yahay iyo wixii ay ka sheegeen baraha bulshadu ku wada xiriirto iyo warbaahinta waxaan wafdi u direynaa Addis Ababa si ay u soo fahmaan xaaladda.

MADAXWEYNIHII HORE SOOMAALIYA OO SOO BANDHIGAY QODOBO COLAAD TUKARAQ LAGU XALIN KARO

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay colaada ka taagan deegaanka Tukaraq ee Gobolk Sool.

Qoraal uu soo dhigay Boggiisa xiriirka Bulshada ayaa wuxuu kaga hadlay qodobo dhawr ah oo uu u arkay in lagu xalin karo colaada deegaankaasi ka taagan.

Qoraalka Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu ku bilaabanayaa sidan.

Iyadoo Soomaalidu ay duruufo gaar la tacaaleyso billowga qarniga 21aad, ayaa haddane degaannadu xaalkoodu kala duwan yahay.

Duruufaha dadka Soomaalida ay la tacaalayaan waxaa ka mid ah Abaaro, fatahaad iyo colaado, hase yeeshe gundhigga dhibaatooyinka oo dhan waxay ka soo butaacayaan hal il oo ah dowlad xooggan oo ralli laga wada yahay lana wada aqbalsan yahay oo meesha ka maqan.

Si kastaba ha ahaate, dhibaatooyinkaas aan kore ku so xusay iyo kuwa kaleba waxay CAQABAD ku yihiin badbaadada shacabka ay daashadeen colaaduhu kuwa hore iyo kuwa dambaba haddaba hoggaamiyayaasha maanta ee heer kasta leh ha qaateen hana tixgeliyeen mabda’a ah "HA UGA DARIN HADDII AADAN DAWYN KARIN”

Qormadaan kooban waxaan rabaa inaan uga hadlo arrinta XANUUNKA badan ee ka socota tuulada yar ee TUKARRAQ.

In ka badan 30 sano waayo aragnimo ah ayaan u leenahay in khilaafyada lagu xalliyo CUDUB CIIDAN lagumana soo guuleysan mar qura. Haddaba, walaalaha isfaham waagu u dhaxeeyo waxaan ugu baaqayaa qodobada soo socda:

1.Xabbad joojin degdeg ah iney ku dhawaaqaan oo ay NABADDA ku dhiirradaan.

2.In ciidamada ay kala qaadaan si fursad lagu wada hadlo u abuuranto.

3.Ka dibne la billaabo wada hadal dhexdooda ah oo ay hoggaaminayaan dhexdhexaadiyaal iyo fududeeyaal Soomaali ah oo ka dhaca TUKARRAQ lafteeda

4.Waxaan si gaar ah farta ugu fiiqayaa isimada, culumaa’uddiinka iyo ganacsatada iney si gaar ah ugu istaagaan arrinka isna doontaan iyagu oo waxaan leeyahay magaciin ha jiro e berri NABADDA YAAN DIBADDA LAGA JIRIN

5.Inta dadaalladu socdaan, dhinacyadu waa iney joojiyaan hadallada XANAFTA leh ee danqinayo boogihii hore laguna baddalo hadallo ka tarjumayo Soomaalinimada.

Waxaan ku soo gabagabeynayaa qormadaan kooban:

"WALAALAYAAL WAXA AAN ISKU NAHAY AYAA AAD UGA BADAN WAXA AAN KALA NAHAY EE CAQLIGU HA TALIYO”.

MAAMULKA G/BANAADIR OO KA SHIRAY U DIYAAR GAROWGA MAALMAHA XORIYADDA ..

Shirka todobaadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha 17ka degmo oo shir guddoominayey Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa looga hadlay amniga, daadajinta adeegyada asaasiga ah, sidii kor loogu qaadi lahaa ololaha nadaafadda iyo bilic soo celinta magaalada, udiyaar garowga maalmaha xoriyadda ee foodda nagu soo haya.

Ugu horeyn, ayaa warbixinno la xiriira xaaladaha degmooyinka laga dhageystay qaar kamid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka, iyagoona ka hadlay xaaladda degmooyinkooda, islamarkaana tilmaamay in meel wanaagsan uu marayo daadajinta adeegyada iyo wada shaqeynta shacabka iyo Maamulka.

Warbixinta amniga oo laga dhageystay Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed C/laahi Maxamed ayaa lagu xusay in qorsheyaasha sugidda amniga Caasimaddu uu meel wanaagsan marayo, iyadoo shacabka laga codsaday in ay sii xoojiyaan wada shaqeynta kala dhaxeysa hay’adaha amniga.

Duqa Muqdisho ayaa kulanka ka sheegay in maamulkiisu uu mudnaan siiyey sidii amni buuxa loogu heli lahaa Caasimadda, kaas oo horseed u yihiin guddoomiyeyaasha degmooyinka, Taliyeyaasha ciidamadda iyo shacabka oo iskaashanaya.

Madaxda Maamulka Gobolka iyo kuwa heer degmo ayaa ka arrinsaday u diyaar garowga maalmaha Xoriyadda ee 26ka Juun iyo 1da Luuliyo oo qorshuhu yahay in magaalada Caasimadda lagu qabto munaasabado lagu maamuusayo qiimaha ay leeyihiin maalmaha xoriyadda.

Shirka todobaadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha 17ka degmo ayaa intii uu socday waxuu Duqa Muqdisho warbixinno la xiriira Nadaafadda iyo bilicda, dakhliga, amniga iyo siyaasadda ka dhageystay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Kuxigeennada Goddoomiyaha ee Arrimaha, Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed C/laahi Maxamed, Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur, iyo Xoghayaha Guud ee Gobolka Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen.

Ugu danbeyn, Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho in loo istaago horumarinta Caasimadda, isagoo u sheegay shaqsiyaadka deegaamaystay dhulalka danta guud in gacanta dawladda dib loogu soo celin doono, ugana digay ganacsatada Soomaaliyeed in dhaqaalahooda ay geliyaan dhulalka danta guud ah

OGEYSIIS OGEYSIIS DIGNIINO LAAMADO GANACSI

SOMALIA

DIGNIINTA GARGAARKA - DIGNIINTA QARASHKA

_______________________

https://d3security.com/wp-content/uploads/Mylan_Logo_1.pngMYLAN

OGAYSIIS WAA BIXINAYAA in calaamadda ganacsiga ee kor ku xusan tahay calaamadda ganacsiga ee:

Mylan Inc., oo ah shirkad abaabulan oo sharciyeysey sharciyada Gobolka Pennsylvania ee 1000 Mylan Boulevard, Canonsburg, Pennsylvania, 15317, Mareykanka

waxaana loo isticmaalaa iyadoo lala xiriirinayo:

Daawooyinka farmasiga iyo daaweynta.

OGAYSIIS WAXAA KA BIXINAYaa in dacwad sharciyeed lagaga qaadi doono qof kasta ama shirkad isticmaala calaamada ganacsiga ama wax kasta oo la midabtakooro ama si kale u jebiya xuquuqda shirkaddaas.

SOMALIA


DIGNIINTA GARGAARKA - DIGNIINTA QARASHKA

----------------------

OGAYSIIS WAA BIXINAYAA in calaamadda ganacsiga ee kor ku xusan tahay calaamadda ganacsiga ee:

SUMITOMO RUBBER INDUSTRIES, LTD, oo ah shirkad abaabulan oo sharciyaysan oo ka hooseysa shuruucda Japan ee 6-9, Wakinohama-cho 3-chome, Chuo-ku Kobe-shi, Hyogo 651-0072, Japan

waxaana loo isticmaalaa iyadoo lala xiriirinayo:

Gawaarida baabuurta; taayirrada baabuurta; taayirrada baabuurta; taayirrada basaska; taayirrada baabuurta gawaarida ee raba.

OGAYSIIS WAXAA KA BIXINAYaa in dacwad sharciyeed lagaga qaadi doono qofkasta ama shirkad isticmaala calaamada ganacsiga ama wax kastaoo la midab takooro ama si kale u jebiyaxuquuq dashirkaddaas.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip