Dowladda Soomaaliya oo ka hortimid nidaamka gaarka ah ee Beesha Caalamka deeqaha ku siin jirtay Somaliland

0
Wednesday June 20, 2018 - 18:27:17 in Wararka by
  • Visits: 353
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo ka hortimid nidaamka gaarka ah ee Beesha Caalamka deeqaha ku siin jirtay Somaliland

    Dowladda Soomaaliya ayaa ka hortimid in la sii wado nidaamka gaarka ah ee Beesha Caalamka kula macaamili jirtay Somaliland ee deeqaha lagu siin jiray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hortimid in la sii wado nidaamka gaarka ah ee Beesha Caalamka kula macaamili jirtay Somaliland ee deeqaha lagu siin jiray.

Nidaamkan oo loogu magac daray (Special Arrangement) ayaa la bilaabay sanadkii 2013, xilligaasoo lagu saxiixay shirkii New Deal-ka ee ka dhacay magaalada Brussels.

Qoraal ka soo baxay Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka caalamiga Jamaal Xasan Maxamed ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka aysan cusbooneysin karin nidaamka gaarka ah ee Beesha Caalamka ku taageeri jiray Somaliland.

Beesha Caalamka ayaa Dowladda Federaalka ah ka dalbatay dib u cusbooneysiinta nidaamka gaar ahaan qeybta quseeya Somaliland, kaasoo mashaariicda horumarineed ee beesha caalamka ka fulineyso Soomaalia qeyb gaara looga qoondeeyo Somaliland.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka ay soo dhoweyneyso hab kasta oo lagu garab istaagayo maamulada dalka ka jira, balse nidaamka gaarka ah uu keenayo in maamulo kale ay dalbadaan, isla markaanaay halis gelineyso Qaranimada.

Arrintan ayaa cirka ku sii shareereysa xiriirka cakiran ee dowladda Federaalka kala dhaxeeya Somaliland, isla markaana ay horseedi karto in Somaliland ay sii fogaato.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip