Seddax heshiis Soomaalida waa u lagama maarmaan, goortii la gaaraba!

0
Tuesday June 19, 2018 - 20:20:56 in Wararka by
  • Visits: 279
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Seddax heshiis Soomaalida waa u lagama maarmaan, goortii la gaaraba!

    1/ Soomaalidu waa in ay gudaheeda ka heshiisaa oo ay geed walba iyo guri walba u gashaa una fariisataa, si laab xaarana ay uga wada hadashaa gefafkii dhexdeeda ka dhacay, isu garaawdaa, kala gar qaadataa, is cafisaa, heshiis lama ilaawaan ahna gaarta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1/ Soomaalidu waa in ay gudaheeda ka heshiisaa oo ay geed walba iyo guri walba u gashaa una fariisataa, si laab xaarana ay uga wada hadashaa gefafkii dhexdeeda ka dhacay, isu garaawdaa, kala gar qaadataa, is cafisaa, heshiis lama ilaawaan ahna gaartaa, si jiritaankeeda ay u badbaadiso oo aysan dhulkeeda iyo dhaxalkeeda u dhumin.

2/ Soomaslidu waa in ay la heshiisaa dadyawga ay deris la tahay dhammaan, gaar ahaan Kenya iyo Ethiopia oo ah laba waddan oo ay shirka kula yihiin Soomaalidu bulshooyin kale. Kenya iyo Ethiopia cidna soomaalida kama laha, waa haddii ay maankooda iyo maskaxdooda furfuraan oo ay ka soo gudbaan dhalanteedkii hore ee lagu burburay!

Heshiiskaan dambana waa in beelaha adduunka ka taliya, gaar ahaan USA & UK ay goob joog ka ahaadaan. Talada, farsamada iyo meel-marinta heshiiskaasna waa in ay qeyb ka ahaadaan, waayo, waddamadaas [USA & UK seddaxda waddanba [Somalia, Kenya & Ethopia] dana waaweyn ayaa uga xiran oo ayna marnaba ka hari doonin oo u baahan si farsameysan in loola dhaqmo.

3/ Waa in ay Soomaalidu la heshiisaa dhammaan dawladaha gobolka iyo adduunka kale ee danuhu uga xiranyihiin, ka bilaaw kuwa geeska Africa, Carabta, EU, UK &USA.

Seddaxdaas heshiis hadii aysan dhicin, dawladnimada Soomaalia waa [jug-jug meeshaadi joog!].

Ugu dambeyn, waxa aan rabaa in aan sheego in daraasad la sameeyay oo qaadatay mudda dheer lagu ogaaday in waxyaabaha ugu waaweyn ee keenay burburka Soomaaliya ay ahaayeen faham xumo iyo xariir xumo naga qabsatay xagga la dhaqankii bulshooyinka adduunka, marka laga bilaabo dawladaha deriska ah laguna dhameeyo kuwa [Veto]ga leh. Sidaas darteed, waa in aan wax ka bedelnaa hab dhaqankeenii hore oo aan la nimaado maan iyo maskax ka furfuran tii duuga naqatay ee aan horay ugu soo burburnay!

Hassan Hundubay Jimale




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip