Kooxda Daacish oo sheegatay masuuliyadda qarax ka dhacay Muqdisho

0
Monday June 18, 2018 - 11:24:33 in Wararka by
  • Visits: 379
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Daacish oo sheegatay masuuliyadda qarax ka dhacay Muqdisho

    Kooxda yar ee Daacish ayaa sheegatay masuuliyadda dil wadareed ka dhacay Jimcihii ina dhaaftay degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda yar ee Daacish ayaa sheegatay masuuliyadda dil wadareed ka dhacay Jimcihii ina dhaaftay degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Dilkan ayaa waxaa loo adeegsaday qarax Miino oo lala eegtay gaari ciidan oo ay wateen ciidamo ka tirsan dowladda federaalka, waxaana qaraxa lagu aasay wadada geeskeeda.

Wakaaladda wararka u faafisa kooxda Daacish ee Al-acmaaq News ayaa lagu daabacay in weerarkaasi ay ka dambeysay kooxda Daacish, laguna dilay Afar askari, halka lagu dhaawacay mid kale.

Daacish ayaa sidoo kale warkan waxa ay ku sheegtay in ay kordhineyso beegsiga ay ku heyso saraakiisha iyo ciidamada ka tirsan dowlada federaalka.

Caqabada ugu weyn ee dhanka ammaanka ka heysata dowladda federaalka waa Mintidiinta Al-shabaab iyo kooxda Daacish, weli kooxahan waxa ay geysanayaan weeraro argagixiso.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip