Sanadkii 2015-kii ayay ku dhawaaqeen in ay ku biireen kooxda Daacish, balse 2016-kii ayay kala go’een kadib markii Daacish ay sheegtay in la badalay Abubakar, laguna badalay nin kale oo lagu magacaabo Abu Musab Al-Barnawi.Illaa 20 kun qof ayaa ku dhimatay rabshadahan, 2 milyan oo kalena waa ay ku barokaceen sida la sheegay.
Balse Abuubakar ayaa beeniyay, sheegeyna in wali uu isaga hoggaanka hayo.
Mama Falmata waxa ay sheegtay in aysan ka warhaynin in uu noolyahay iyo in kale.
Akhriso:-Sidee U Aragtaa Hooyada Dhashay Hoggaamiyaha Boko Xaraam Falalka Uu Geysto Wiilkeeda?
Hooyada dhashay ninka ah hoggaamiyaha kooxda Boko Xaraam Abubakar Shekau ayaa ka hadashay dhibaatooyinka wiilkeeda uu ka wado dalka Nigeria, waxayna sheegtay in dhibaatooyin badan uu ka geystay dalkaas. Falmata Abuubakar oo idaacadda VOA la hadash