Afghanistan oo kordhisay Xabad joojintii Ciida, kaddib is dhex galkii Ciidamada iyo xooggaga Taalibaan

0
Sunday June 17, 2018 - 09:56:16 in Wararka by
  • Visits: 344
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afghanistan oo kordhisay Xabad joojintii Ciida, kaddib is dhex galkii Ciidamada iyo xooggaga Taalibaan

    Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa ku dhawaaqay in la kordhinayo xabad joojintii ay wada gaareen Ururka Taaliban intii lagu guda jiray maalmaha Ciida, taasoo keentay in si amni iyo xasilooni ay ku wada ciidaan Shacabka, Ciidamada iyo xooggaga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa ku dhawaaqay in la kordhinayo xabad joojintii ay wada gaareen Ururka Taaliban intii lagu guda jiray maalmaha Ciida, taasoo keentay in si amni iyo xasilooni ay ku wada ciidaan Shacabka, Ciidamada iyo xooggaga Taalibaan.

Ashraf Ghani ayaa ka codsaday Taalibaan inay soo raacaan hoggaanka dalka, isla markaana ay ku soo biiraan wada hadalada nabadeed.

Labadii maalmood ee Ciida ayaa la arkayay ciidamada iyo dagaalamayaasha Taalibaan oo is dhex galay, taasoo soo jiidatay indhaha caalamka, waxaana la arkayay dagaalamayaasha Taaliban oo dhex socda shacabka iyo ciidamada, iyagoo ka muuqatay wajiyadooda xabad joojin.

Hindisaha xabad joojinta ee uu soo bandhigay Madaxweyne Ashraf Ghani ayaa sabab u noqday in Nabad lagu wada ciido dhamaan dalka Afghanistan.

Balse Kooxda ISIS ayaa weerar is qarxin ka fulisay maalintii Ciida bariga Gobolka Nangarhar, kaasoo ay ku dhinteen 25 ruux oo isugu jiray shacab iyo dagaalamayaasha Taalibaan.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Taalibaan oo ku aadan kordhinta heshiiska xabad joojinta uu ku dhawaaqay Madaxweyne Ashraf Ghaani.

Is dhex galka Ciidamada iyo xooggaga Taalibaan


 


 
 
 
 
 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip