Puntland oo sheegtay in hal maamul uu xukumi doono Gaalkacyo

0
Sunday June 17, 2018 - 09:34:12 in Wararka by
  • Visits: 222
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo sheegtay in hal maamul uu xukumi doono Gaalkacyo

    Maamulka Puntland ayaa markii horreysay waxa uu sheegay in Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Mudug uu Xukumi doono hal Maamul kaas oo ka Shaqeyn doono sugida amniga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Puntland ayaa markii horreysay waxa uu sheegay in Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Mudug uu Xukumi doono hal Maamul kaas oo ka Shaqeyn doono sugida amniga.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Xasan Maxamed Abgaalow ayaa sheegay in gaalkacyo ay haatan amnigeeda ay ka wada Shaqeeyaan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa isku-dhafka ah ee loo sameeyey,isla markaana ay wax ka bedeleen amniga Magaalada.

Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in haatan uu socdo qorsho lagu doonayo in hal maamul loogu sameeyo Magaalada Gaalkacyo si uu u xukumo kaas oo uusan shaacin Puntland iyo Galmudug maamulka uu noqonayo.

Gaba gabadii waxa uu ugu baaqay Shacabka ku nool Magalada Gaalkacyo in sugida amniga ay kala Shaqeeyeen Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa isku-dhafka ah ee Magaalada loo sameeyey.

Hadalkan weli wax jawaab ah dhankooda kama soo bixin Maamulka Galmudug oo maamula Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip