Sheekh Cali Dheere: "Ciidaan waxay ku soo beegmeysaa iyadoo ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda isu gudbin la'yihiin sahayda"

0
Sunday June 17, 2018 - 09:13:40 in Wararka by
  • Visits: 358
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Cali Dheere: "Ciidaan waxay ku soo beegmeysaa iyadoo ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda isu gudbin la'yihiin sahayda"

    Afhayeenka ururka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage ayaa munaasabadda Ciida jeediyay khudbad kulul oo uu uga hadlay dhinacyo badan, wuxuuna ugu horeyn u hambalyeeyay dagaalyahanada ururrada argagixisada ee ka dagaalamaya dalalka caalamka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenka ururka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage ayaa munaasabadda Ciida jeediyay khudbad kulul oo uu uga hadlay dhinacyo badan, wuxuuna ugu horeyn u hambalyeeyay dagaalyahanada ururrada argagixisada ee ka dagaalamaya dalalka caalamka.

Mar uu ka hadlayay halka ay marayaan dagaalka ay kula jiraan ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM, waxa uu sheegay afhayeenka Al-Shabaab inay meel fiican marayaan isla markaana ay ka taliyaan degaano ka mid ah dalka Soomaaliya.

"Ciidaan waxay ku soo beegmeysaa iyadoo ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda isu gudbin la’yihiin sahayda” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo ugu baaqay dagaalyahanada Al-Shabaab inay kordhiyaan weerarrada iyo dagaalada ay ka wadaan dalka gudihiisa.

Afhayeenka Al-Shabaab ayaa soo hadal qaaday askar Mareykan ah oo lagu dilay duleedka magaalada Kismaayo, wuxuuna beeniyay in dagaal ka dhacay degaanka Baarka oo u dhow magaalada Kismaayo lagu dilay askari ka tirsan ciidamada Mareykanka, isagoona tilmaamay in dagaalkaasi ay ku dileen ilaa 6-askarta Mareykanka ka tirsan.

Khudbadda Sheekh Cali Dheere oo laga sii daayay warbaahinta ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa waxaa kale oo uu uga hadlay shirkii magaalada Baydhaba ay ku yeesheen madaxda Dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada, wuxuuna sheegay in shirkaasi lagu heshiiyay sidii ay u qeybsan lahaayeen kheyraadka dalka, isagoona ku habjabay in arrintaasi ay iyagu hor istaagayaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip