Xulka Kubadda Cagta ee Russia oo 5-0 ugu awood sheegay Xulka Sacuudiga.

0
Thursday June 14, 2018 - 23:00:31 in Wararka by
  • Visits: 591
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xulka Kubadda Cagta ee Russia oo 5-0 ugu awood sheegay Xulka Sacuudiga.

    Marti galiyaasha koobka aduunka ee Russia ayaa guul muhiim ah ku furtay kulankii lagu furay koobka aduunka 2018, waxayna guul daro bideen xulka qaranka Saudi Arabia. Inkasta oo xulka qaranka Saudi Arabia uu qaybtii hore muujiyay ciyaar fiican haddana

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marti galiyaasha koobka aduunka ee Russia ayaa guul muhiim ah ku furtay kulankii lagu furay koobka aduunka 2018, waxayna guul daro bideen xulka qaranka Saudi Arabia. Inkasta oo xulka qaranka Saudi Arabia uu qaybtii hore muujiyay ciyaar fiican haddana xulka qaranka Ruuska ayaa si fiican uga faaa'iidaysatay fursadihii ay abuureen.

Russia ayaa 5-0 ku garaacay xulka qaranka Saudi Arabia kuwaas oo fashil wayn kala kulmay kulankoodii furitaanka koobka aduunka ee Group A taas oo xili horeba Saudi Arabia ka dhigaysa kuwo ku sii dhawaanaya alababka looga baxo koobka aduunka. Saudi Arabia ayaa ceeb iyo waji gabax kale kala kulmay koobka aduunka.

Russia ayaan waqti badan iskaga lumin in ay hesho goolkeeda furitaanka waxayna Saudi Arabia ka naxsadeen daqiiqadii 12 aad markaas oo uu goolka furitaanka u dhaliyay Y. Gazinskiy kaas oo caawin ka helay Golovin waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Russia hogaanka ku qabtay.

Xulka qarnka Saudi Araba ayaa dadaal badan u sameeyay in ay la yimaadaan goolka furitaanka waxayna awoodeen in kubbada ay inta badan hayaan balse weerarka rogaal celiska ah ee ay Russia samaynayeen ayaa halis badan ku abuurayay Saudi Arabia.

Laakiin xaalada xulka qaranka Saudi Araba ayaa meel gaadhay markii qaab difaacasho liidata ay muujiyeen isla marakana uu xulka qaranka Ruuska daqiiqadii 43 aad la yimid goolkiisa labaad ee ay kalsoonida wayn u siyaadiyay waxaana u dhaliyay xidiga badalka ku soo galay ee Denis Cheryshev, waxayna qaybtii hore ku dhamaatay 2-0 ay marti galiyaasha koobka aduunka ee Russia gacanta sare ku lahaayeen.




Qaybtii labaad ee ciyaarta xulka qaranka Ruuska ayaa ahaa kan kalsoonida ugu badan haystay waxayna awoodeen in ay Saudi Araba ka joojiyaan wax soo laabasho ah waxayna Russia goolka nijadjabka ee saddexaad heleen daqiiqadii 71 aad markaas oo uu shaba soo taabtay A. Dzyuba kadib markii uu caawin ka helay A. Dzyuba.

Laakiin dhamaadkii ciyaarta Russia ayaa laba gool oo deg deg ah keensatay iyada oo Cheryshev uu goolkiisa labaad raacsaday daqiiqadii 91 aad halka daqiiqadii 94 aad uu goolka shanaad ku soo xidhay Golovin.

Ciyaarta ayaa noqotay 5-0 ay Russia hogaanka ugu raaxaysanayso waxayna taasi keentay niyadjab buuxa oo soo wajahay xulka qaranka Saudi Arabia. Artem Dzyuba ayaa goolka saddexaad dhaliyay markii uu 89 ilbidhiqsi oo kaliya garoonka ku jiray.

Waxaa la sugi doonaa natiijada kulanka Masar iyo Uruguay oo xiiso u yeeli doonta kulamada Group A iyada oo Russia saddexda dhibcood ka sii qaadatay Saudi Araba. Waxayna ciyaartu ku dhamaatay 5-0 ay marti galiyaasha koobka aduunka ee Russia ku dubteen Saudi Arabia.

 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip