Waa Kuma Wadanka Ay Ciyaartoydiisa Ugu Caansan Yahiin Baraha Bulshada Ee Ka Qeyb Galaya Koobka Aduunka 2018? Daraasad La Sameeyay.

0
Thursday June 14, 2018 - 14:15:40 in Wararka by
  • Visits: 596
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Kuma Wadanka Ay Ciyaartoydiisa Ugu Caansan Yahiin Baraha Bulshada Ee Ka Qeyb Galaya Koobka Aduunka 2018? Daraasad La Sameeyay.

    Daraasad dheer oo la sameeyay kadib waxaa la ogaaday in xulka Portugal uu yahay kan ay ciyaartoydiisa ugu caansan yahiin baraha bulshada, balse waa iney u mahad celiyaan kabtankooda Cristiano Ronaldo. Daraasadaan la sameeyay waxey kaliya taabaneysaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daraasad dheer oo la sameeyay kadib waxaa la ogaaday in xulka Portugal uu yahay kan ay ciyaartoydiisa ugu caansan yahiin baraha bulshada, balse waa iney u mahad celiyaan kabtankooda Cristiano Ronaldo. Daraasadaan la sameeyay waxey kaliya taabaneysaa saddexda shabakad ee ugu caansan dhanka baraha bulshada Facebook, Twitter iyo Instagram. 23-ka xidig uu soo doortayFernando Santos waxey wadar ahaan leeyahiin taageero dhan 360 Malyan, balse Ronaldo ayaa kaliya ku leh wadar ahaan saddexda bar bulsho ee daraasadda laga sameeyay taageerayaal dhan 320 Malyan.

Markalaga hadlo ciyaartoy ahaan waxaa kusoo dhaw Neymar oo leh tageerayaal dhan 192 Malyan, halka Lionel Messi uu leeyahay 181 Malyan.

 

Inkastoo ciyaartoyda Spain ay la wareersan yahiin ceyrintiiJulen Lopetegui, hadana waa kuwa saddexaad ee ugu badan marka laga hadlo kaliya 23-ka xidig ee loo soo qaaday Russia.

Liiska uu maamuli doono Fernando Heirro waxey wadar ahaan leeyahiin 333 Malyan oo taageero ah, waxaana ugu badan Andres Iniesta oo leh 73 Malyan, halka Ramos uu leeyahay 62 Malyan, haka reebin Gerard Pique oo le 54 Malyan iyo David de Gea oo isna leh 47 Malyan.

Sergio Busquets waa ciyaariyahanka kaliya ee ka tirsan qarank Spain, hadana aan laheyn wax bar bulsho ah.

Warbixixnta waxey sidoo kale sheegtay in 736-da ciyaartoy ee ka qeyb galaya koobka Adduunka ay wadar ahaan leeyahiin 2.5 Billion oo taageerayaal ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip