Shaqaale ka tirsan Hay'adda Hirda oo u gacan galay Ururka Al Shabaab

0
Sunday December 27, 2015 - 20:43:14 in Wararka by
  • Visits: 614
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shaqaale ka tirsan Hay'adda Hirda oo u gacan galay Ururka Al Shabaab

    Shaqaale samafal oo ka tirsan Hay'adda Hirda, ayaa waxaa maanta laga qafaashay duleedka Degmada Baardheere Ee Gobolka Gedo, xilli ay arrimo shaqo u jooggeen. Shaqaalahan oo muddooyinkanba ku sugnaa Degmada Baardheere, ayaa waxaa maanta xubno

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shaqaale samafal oo ka tirsan Hay'adda Hirda, ayaa waxaa maanta laga qafaashay duleedka Degmada Baardheere Ee Gobolka Gedo, xilli ay arrimo shaqo u jooggeen. Shaqaalahan oo muddooyinkanba ku sugnaa Degmada Baardheere, ayaa waxaa maanta xubno ka tirsan gacanta ku dhigay Xoogaga Ururka Al Shabaab, kuwaa oo aan la aqoon halka ay ula dhaqaaqeen. Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika oo ku dhaqaaqay goobtii laga afduubtay Shaqaalahaasi, ayaa waxaa ku adkaatay inay ka soo badbaadiyaan gacanta Ururka Al Shabaab.

Sarkaal Ciidamada Dowladda ka tirsan, ayaa Dhacdo.com u sheegay in Shabaabku ay qafaasheen ugu yaraan lix ka mid ah Shaqaalaha Hay’adda Hirda.

Warar kalana waxay sheegayaan in Shabaabku ay qafaasheen laba ka mid ah Shaqaalaha Hirda, inkastoo aanay Shabaabku weli ka hadlin tirada xubnaha ay afduubteen.

Deegaanada ay ka arrimiso Al Shabaab, ayaa waxaa adag inay ka hawlgalaan Hay’adaha Maxaliga iyo kuwa kale ee caalamiga ah, iyagoona ku eedeeya inay u basaasaan dalalka shisheeye.

Lama garanaayo waxa ay Shabaabku ka yeeli doonaan Shaqaalahaasi.


Xigasho:-dhacdo.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip