Xoogaga Shabaab oo maanta weerar ay ka gaysteen dalka Kenya ku dilay Saraakiil Kenyan ahaa 27th December 2015 by Kalgacal

0
Sunday December 27, 2015 - 20:33:09 in Wararka by
  • Visits: 513
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoogaga Shabaab oo maanta weerar ay ka gaysteen dalka Kenya ku dilay Saraakiil Kenyan ahaa 27th December 2015 by Kalgacal

    Xoogaga Ururka Al Shabaab, ayaa waxay maanta weerar hubeysan ka gaysteen Gobolka Waqooyi Bari Kenya, ka gadaal markii ay weerareen kolonyo ay la socdeen Saraakiil Booliska Kenya ka tirsanaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogaga Ururka Al Shabaab, ayaa waxay maanta weerar hubeysan ka gaysteen Gobolka Waqooyi Bari Kenya, ka gadaal markii ay weerareen kolonyo ay la socdeen Saraakiil Booliska Kenya ka tirsanaa. Xoogaga Al Shabaab, ayaa kolonyadan ku weeraray Deegaanka Ceelwaaq Kenya oo hoos-tagta Degmada Mandheera Ee Gobolka Waqooyi Bari, wuxuuna weerarku ku bilowday gantaalaha garbaha laga tuuro.
Shabaabka, ayaa gantaal la helay mid ka mid ah kolonyadaasi, iyadoona uu gebi ahaanba uu burburay. Waxaana ku dhimatay ugu yaraan laba Sarkaal oo la socotay. Weerarkaasi waxaa sidoo kale lagu dhaawacay saddex Sarkaal oo kale.
Ururka Al Shabaab oo sheegtay mid ka dambeeyay weerarkaasi, ayaa ku faanay inay ku dileen Saraakiil Kenyan ahaa, isla-markaana ay ka soo furteen mid ka mid ah gawaarida dagaalka.

Boqolaal ka mid ah Ciidamada Kenya oo ku baxay halkii uu weerarku ka dhacay, ayaa ku fashilmay inay gacanta ku soo dhigaan Shabaabkii weerarkaasi fuliyay.
Weerarada, ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaad mooddaa inay ku soo badanayaan Gobolada Xeebta & Waqooyi Bari Kenya. Shabaabku waxay ku hanjabeen inay weerarada sii wadi doonaan.
Afhayeenka Ciidamada Ururka Al Shabaab, Sheekh C/casiis Abuu Muscab, ayaa wuxuu sheegay in weerarada ay sii wadi doonaan, illaa iyo inta Ciidamada Kenya laga saaraayo Gobolada Koonfurta Somaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip