RASMI: Atletico Madrid oo ku dhawaaqday in kooxda Monaco ay kala heshiisay saxiixa Thomas Lemar

0
Wednesday June 13, 2018 - 09:44:28 in Wararka by
  • Visits: 472
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RASMI: Atletico Madrid oo ku dhawaaqday in kooxda Monaco ay kala heshiisay saxiixa Thomas Lemar

    Atletico Madrid ayaa shabakadeeda rasmiga ah ku shaacisay inay soo gaba gabeesay heshiiska ay ku dooneesay saxiixa xidiga kooxda Monaco ee Thomas Lemar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Atletico Madrid ayaa shabakadeeda rasmiga ah ku shaacisay inay soo gaba gabeesay heshiiska ay ku dooneesay saxiixa xidiga kooxda Monaco ee Thomas Lemar.

Kooxda reer Spain ayaa si rasmi ah ugu shaacisay barteeda rasmiga ah ee Twitter-ka inay kala heshiisay kooxda Monaco saxiixa laacibka reer France ee Thomas Lemar.

Sidaas darteed Atletico Madrid ayaa ka dhigan in heshiiska xidigan ay ku garaacday kooxo waaweyn oo si xoogan kula dagaalamayay ay ka mid yihiin Arsenal, Liverpool iyo sidoo kale Barcelona, kuwaasoo dhamaantood wada doonayay saxiixa 22 jirkan reer France.

Heshiiska Thomas Lemar ayaa la fahansan yahay in ay maamulka kooxda Atletico Madrid mid ay ku qancinayaan xidigooda koowaad ee kooxda Antoine Griezmann si uu u sii joogo xili ciyaareedka soo aadan, kaasoo lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqi doono kooxda Barcelona.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip