Xiriirka Kubadda Cagta Spain Oo Ka Carooday Waqtiga Ay Real Madrid Kusoo Beegtay Magacaabista Julen Lopetegui & Sababta Ka Dambeysa.

0
Wednesday June 13, 2018 - 09:41:47 in Wararka by
  • Visits: 516
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiriirka Kubadda Cagta Spain Oo Ka Carooday Waqtiga Ay Real Madrid Kusoo Beegtay Magacaabista Julen Lopetegui & Sababta Ka Dambeysa.

    xiriirka Kubadda Cagta Spain ayaa si weyn uga carooday in waqtigaan la joogo ay Real Madrid si rasmi ah u shaaciso in tababare Julen Lopetegui uu noqon doono macalinka badali doon Zinedine Zidan marka uu soo dhamaado koobka Aduunka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

xiriirka Kubadda Cagta Spain ayaa si weyn uga carooday in waqtigaan la joogo ay Real Madrid si rasmi ah u shaaciso in tababare Julen Lopetegui uu noqon doono macalinka badali doon Zinedine Zidan marka uu soo dhamaado koobka Aduunka.

Julen Lopetegui oo hayay xilka xulka qaranka La Roja ilaa 2016 ayaa lasoo sheegayaa inuu heshiis la galay Lo Blancos isagoo noqonaya tababarahii afaraad ee kooxdaan ay yeelato muddo 4-sanadoo ah.

Madaxweynaha xiriirka kubadda cagta Spain Luis Rubiales ayaa si weyn uga carooday go’aanka ay waqtigaan Madrid ku shaacisay in Julen uu yahay macalinkooda xiga ee badalaya Zinedine Zidane.

Waxaa la fahamsan yahay in baahida Real Madrid heyso ay tahay mid heer sarreyso isla markaana aysan qalad ku lahey iney hesho, balse waxaa la dareensan yahay ineysan waqtigaan ku habooneyn in lagu dhawaaqo.

Lopetegui waa mid u diyaarsan inuu cadaadis walba oo arintaan ay leedahay u dulqaato, balse shaki kuma jiro inuu dhibaato weyn ku qabaayo arinkaan maadaama hadal heynta ay aad u badaneyso.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip