Madaxweynaha Faransiiska Oo Weerar Qaawan Ku Qaaday Xidiga Xulka Qaranka France Laga Ganaaxay Ee Karim Benzema

0
Monday June 11, 2018 - 11:07:41 in Wararka by
  • Visits: 575
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Faransiiska Oo Weerar Qaawan Ku Qaaday Xidiga Xulka Qaranka France Laga Ganaaxay Ee Karim Benzema

    Madaxweynaha waddanka FaransiiskaEmmanuel Macron ayaa qayb ka noqday khilaafka u dhexeeya xidhiidhka kubadda cagta dalkaas oo uu hormood ka yahay tababare Didier Deschamps iyo weeraryahanka Real Madrid ee Karim Benzema.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha waddanka FaransiiskaEmmanuel Macron ayaa qayb ka noqday khilaafka u dhexeeya xidhiidhka kubadda cagta dalkaas oo uu hormood ka yahay tababare Didier Deschamps iyo weeraryahanka Real Madrid ee Karim Benzema.

Karim Benzema ayaa laga reebay ciyaaryahannada xulka qaranka Faransiiska ee Koobka Adduunka ka qayb-gelaya ee sannadkan iyo tartankii Euro 2016, iyadoo lagu haysto fadeexad cajalado laga duubay laacibka khadka dhexe ee Valbuena.

Madaxweynaha waddanka Faransiiska oo isaga oo kulan la leh ciyaartoyga xulka qarankiisa la weydiiyey fikirkiisa ku aaddan in xulka qaranka uu ka maqan yahay Karim Benzema oo saddexdii sannadood ee u dambeeyey ku guuleystay tartanka Champions League, ayaa waxa uu yidhi: "Anigu waxa aan ahay madaxweynaha Jamhuuriyadda, mana ihi tababaraha Faransiiska. Waan jecelahay kubadda cagta, fikirkaygana waan ka dhiibtaa, laakiin go’aanka ugu dambeeya ee kooxda waxa iska leh Didier Deschamps waanan ku kalsoonahay.”

MadaxweyneEmmanuel Macron waxa uu ku dooday in tayada Karim Benzema aanay waxba ka beddeli doonin xulka qaranka oo laga saaray, waxaanu yidhi: "Tani waxba kama beddelayso tayada Benzema ee Real Madrid, sannado badan ayuu ka dhex muuqday Spain, si fiicanna wuxuu u ciyaaray Champions League. Laakiin waxa jira shuruuc uu tababaruhu raaco oo xattaa haddii ciyaartoy hibo leh kooxda ay fasahaadayso.”

Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmay maalmo kaddib markii warbaahinta ay iskugu jawaabeen Karim Benzema iyo tababare Deschamps oo xulka uu hoggaaminayo ay Sabtida ciyaartooda koowaad ee Koobka Adduunka la ciyaari doonaan Australia.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip