Mesut Ozil oo Walwal Weyn uu ku jiro Koobka Adduunka iyadoo Xiddiga uu Seegay Tababarka Xulka

0
Thursday June 07, 2018 - 09:30:35 in Wararka by
  • Visits: 533
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mesut Ozil oo Walwal Weyn uu ku jiro Koobka Adduunka iyadoo Xiddiga uu Seegay Tababarka Xulka

    Mesut Ozil ayaa wajaha tartan la xariira waqtiga si uu taam ugu noqodo koobka adduunka, sida ay warinayaan wargeysyada Germany.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mesut Ozil ayaa wajaha tartan la xariira waqtiga si uu taam ugu noqodo koobka adduunka, sida ay warinayaan wargeysyada Germany.


Wargeyska Bild ayaa sheegaya in kubbadd qaabeyaha Arsenal uu awoodi waayay inuu tababarto afartii maalin ee u dambeysay xili la guda galayo tartanka ka furmi doona Russia dhawaan.

Ozil ayaa dhaliyay gool kulankii saaxiibtimo ay guuldara 2-1 kala kulmeen Austria sabtidii, ka hor intaan la badalin daqiiqadii 76-aad ee cayaarta.

Yeelkeede, kubbadd sameyahan ayaa ku jira maalmo adag kadib markii ay isku dhaceen qeybta kowaad ee dheesha daafaca dhexe ee kooxda Watford Sebastian Prodl.

Ozil waxaa loo arkayay mid ka dhibtoonaya jilibka intii lagu guda jiray cayaarta.

Tababarkii xulka Germany ee arbacadii, qeyb kama aheyn Ozil cayaartoyda qaadaneysay tababarka, iyadoo 29 jirkaan uu awood u leeyahay inuu sameeyo shaqo qabasho iyo qaboojin.

Waxaa la arkay cayaariyahanka oo sameyna jimicsiga baaskiilka isagoo kamaqnaa tababarkii Joachim Low.

Xiddiga kooxda Gunners ayaa sido kale seegay afar kulanka oo naadigiisaa bishii May taa oo lagu sababeyay inuu qabay dhibaato dhabarka ah.

Ozil wuxuu haatan haystaa 10 cisho si uu ugu cadeeyo taam ahaanshihiisa Joachim Low.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip