Pellegrini Oo U Digay Arsenal: Cagaha Dhulka Dhiga Horyaalka Laguma Guuleysto Bisha December.

0
Saturday December 26, 2015 - 14:42:10 in Sports News by
  • Visits: 782
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Pellegrini Oo U Digay Arsenal: Cagaha Dhulka Dhiga Horyaalka Laguma Guuleysto Bisha December.

    Manuel Pellegriniayaa bartilmaameed ka dhigtay inuu lix dhibcood helo inta ka hartay sannadkan 2015, waxaana uu u sheegay kooxda ay ku tartamayaan horyaalka ee Arsenal inaan Premier League lagu guuleysanin bisha December.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Manuel Pellegriniayaa bartilmaameed ka dhigtay inuu lix dhibcood helo inta ka hartay sannadkan 2015, waxaana uu u sheegay kooxda ay ku tartamayaan horyaalka ee Arsenal inaan Premier League lagu guuleysanin bisha December.

Guuldaradii City ka soo gaartay Arsenal habeenkii isniinta ayaa ka dhigtay inay afar dhibcood ka danbeeyaan kooxda Arsene Wenger halka ay lix dhibcood ka danbeeyaan kooxda hogaanka heysa ee Leicester City.

Man City ayaa u safri doonta Leicester maalinta talaadada laakiin ka hor waa qasab inay ka soo gudbaan kooxda Sunderland oo maanta ku soo booqaneysa Etihad Stadium.

manuelpellegrini-cropped_p6hu413sxusm1t0z4sr54rsay
"Waxaan waqti xaadirkaan ku jirnaa kaalinta seddexaad waxaana afar dhibcood ka danbeynaa Arsenal iyo lix dhibcood oo aan ka danbeyno Leicester” ayuu yiri.

"Waa qasab inaan ka badino Leicester kulanka 29ka bishaan, waa muhim inaan badino labada kulan ee lagu dhameystirayo qeybta koowaad ee xilli ciyaareedka Premier League.

"Muhiimada waxa ay tahay inaan dhamaadka bisha Janaayo qeyb ka ahaano tartanka horyaalka ka dibna aan isku dayno inaan horyaalka ku guuleysano inta ka hartay xilli ciyaareedka.

"Dhibco muhim ah ayaa inooga dhuntay kulankii Arsenal oo ahaa kulan lix dhibcood ah laakiin ma aysan aheyn kulan muhim u ah tartanka horyaalka sida aan sheegay ciyaarta ka hor.

"Horyaalka laguma guuleysto bisha December.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip