Arsenal oo soo nooleysay xiisaha laacibka reer France

0
Sunday June 03, 2018 - 23:10:04 in Wararka by
  • Visits: 554
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arsenal oo soo nooleysay xiisaha laacibka reer France

    Kooxda kubadda cagta ee Arsenal ayaa si aad ah ugu baahi qabta inay dhisto qadkeeda dhexe si xilli ciyaareedka dambe ay waxa uga bedesho hanaan ciyaareedkeeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda kubadda cagta ee Arsenal ayaa si aad ah ugu baahi qabta inay dhisto qadkeeda dhexe si xilli ciyaareedka dambe ay waxa uga bedesho hanaan ciyaareedkeeda.

Unai Emery oo ah macallinka Cusub ee Arsenal ayaa doonaya inuu sameeyo saxiixyo waaweyn oo safkiisa wax uga bedelayo gaar ahaan khadka dhexe.

Coriten Tolisso iyo Adrien Rabiot ayaa horay shiishka ugu saarnaa macallinkii hore ee Paris Sain-Germain, se waxaa hadda kusoo biiray laacibka kooxda Sevilla ee N’Zonzi.

N’Zonzi ayaa ahaa laacib diiradda u saaran Arsenal tan iyo waayihiisi Premier League-ga oo usoo ciyaaray kooxaha Blackburn iyo Stoke City, waxaana hadda ay Gunners dib usoo nooleysay laacibka joogga dheer.

LONDON, ENGLAND - MAY 23: Arsenal unveil new Head Coach Unai Emery at Emirates Stadium on May 23, 2018 in London, England. (Photo by Stuart MacFarlane/Arsenal FC via Getty Images)

Arsenal ayaana u dhaqaaqi doonto saxiixa xiddiggan, si ugu yaraan ay gacanta ugu dhigaan isaga iyo Tolisso, taasoo noqoneysa inay wax ka bedelaan safkooda qadka dhexe ee xagaaga.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip