Man United Oo Dalbaneysa Xiddig Reer Japan Ah, Arsenal Oo Dalab 33 Milyan Ginni Ka Gudbisay Xiddig U Ciyaara Sevilla Iyo Wararkii Kale Ay Qoreen Wargeysyada Maanta.

0
Saturday December 26, 2015 - 14:30:57 in Sports News by
  • Visits: 833
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Man United Oo Dalbaneysa Xiddig Reer Japan Ah, Arsenal Oo Dalab 33 Milyan Ginni Ka Gudbisay Xiddig U Ciyaara Sevilla Iyo Wararkii Kale Ay Qoreen Wargeysyada Maanta.

    Maalin wanaagsan dhamaan aqristeyaasheena sharafta leh meelkastoo aad joogtaa iyo si waliba oo aad ula socotaan shabakada ciyaaraha caalamiga ah ee Laacib.net kuna soo dhawaada barnaamijkeena maalinlaha ah ee Wargeysyada iyo waxyaabihii ay ka qoreen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalin wanaagsan dhamaan aqristeyaasheena sharafta leh meelkastoo aad joogtaa iyo si waliba oo aad ula socotaan shabakada ciyaaraha caalamiga ah ee Laacib.net kuna soo dhawaada barnaamijkeena maalinlaha ah ee Wargeysyada iyo waxyaabihii ay ka qoreen suuqa kale iibsiga ciyaartooyda kaasoo ay kali 6 maalmood inaga xigto inuu furmo, sida caadiga ah waxaan masuuliyada iyo jirtaanka warkaan dusha ka saareenaa wargeyska aan ka soo xiganay si aad toos inoola xaqijisaana waxaan war waliba ku hor qornay halka aan ka soo xiganay.

the guardian
  • Manchester United ayaa qorsheyneysa inay 15 milyan ginni ugu dhaqaaqdo weeraryahanka kooxda Mainz reer Japan Yoshinori Muto iyadoo Sir Alex Ferguson uu kula taliyay kooxda inay u dhaqaaqdo xiddigaan.
the sun
  • Arsenal ayaa dalab 33 milyan ginni ah ka gudbineysa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Sevilla Grzegorz Krychowiak. Arsene Wenger ayaana si dhow u la socday xiddiga reer Poland muddo ka badan sannad.
  • Goolhayaha kooxda Liverpool Simon Mignolet oo 27 sanno jir ah ayaa ku dhow inuu helo qandaraas cusub oo shan sannadood ah oo uu isbuucii ku qaadanayo 6o kun ginni.
daily star
  • Jurgen Klopp ayaa qorsheynaya inuu wadahadal fool ka fool ah la yeesho Christian Benteke islamarkaana uu mar kale halis ku noqdo goolka hortiisa. Xiddigaan 32.5 milyan ginni looga soo iibsaday Aston Villa ayaa kaliya dhaliyay shan gool 17 kulan uu ciyaaray.
  • Roy Hodgson ayaa u saadaaliyay Gary Neville inuu noqdo waqti ay tahayba tababaraha xulka qaranka Ingariiska.
daily mail
  • Louis van Gaal ayaa ogolaaday inuu sharcigiisa adag ka dabciyo ciyaartoyda ka dib markii uu la kulmay Wayne Rooney iyo Michael Carrick. United ayaa si weyn ugu baahan inay dhanka kale u rogto natiijooyinka ka dib markii laga badiyay seddex kulan oo isku xigta ka hor kulanka Boxing Day ee maanta ee ay la leeyihiin Stoke.
  • Mikel Arteta ayaa loo soo bandhigayaa inuu qeyb ka noqdo shaqaalaha tababarka Arsenal marka uu ciyaaraha ka fariisto iyadoo xiddiga khadka dhexe ee reer Spain uu haatan diyaarinayo leysankiisa tababarenimo.
  • Guus Hiddink ayaa sheegay inay weli macquul tahay inay Chelsea ku guuleysato Champions League iyo FA Cup islamarkaana ay u soo baxdo kaalimaha afarta sarre.
daily mirror
  • Gabriel Agbonlahor ayaa ku dhow inuu noqdo dhibanaha xiga ee tababaraha Aston Villa Remi Harde.
daily telegraph
  • Weeraryahan Jamie Vardy ayaa loo soo bandhigi doonaa heshiis cusub oo loogu laba jibaarayo mushaharkiisa haatan ee Leicester City si meesha looga saaro xiisaha Chelsea ee ciyaaryahanka.
daily express
  • Mustaqbalka Louis van Gaal ee Manchester United ayaa ku xiran wixii maanta dhaca kulanka Stoke City.
the times
  • Manuel Pellegrini ayaan wax dhibaato ah ku qabin wararka sheegaya in shaqadiisa Manchester City uu xilli ciyaareedka danbe u soo socdo Pep Guardiola.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip