Siyaasiyiintu ma rabaan inay shacabka Dab ku tashuuqiyaan ee Qaaciyaa indhaha ka galay Nasashada Jimcaha .Q-98aad

0
Saturday June 02, 2018 - 02:56:37 in Wararka by
  • Visits: 784
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasiyiintu ma rabaan inay shacabka Dab ku tashuuqiyaan ee Qaaciyaa indhaha ka galay Nasashada Jimcaha .Q-98aad

    1-Nin daawa Somaali wax ku daaweeya ayaa loo geeyay Oday madax faluuq qaba , si uu madaxa uga gubo. Dabkii ayuu laftii madaxa ka gudbiyay illaa maskaxdii ay ka madoobaatay. Duqiina Isbitaal ayaa loola cararay. Markii la weydiiyay maxaad saan u yeesha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Nin daawa Somaali wax ku daaweeya ayaa loo geeyay Oday madax faluuq qaba , si uu madaxa uga gubo. Dabkii ayuu laftii madaxa ka gudbiyay illaa maskaxdii ay ka madoobaatay. Duqiina Isbitaal ayaa loola cararay. Markii la weydiiyay maxaad saan u yeeshay? waxa uu yiri: Saana waa dhacdaa,oo qaacii ayaa indhaha iga galay. (Fiiri Sawirka 1aad)

( Siyaasiyiintu ma rabaan inay shacabka Dab ku tashuuqiyaan ee Qaaciyaa indhaha ka galay).

2-Rooble maxamed Nugaal ayaa waxa uu arkay,Gabar saddaqo siineeysa ,nin miskiin ah oo dukaankiisa ku hor tuu’gsanayay, Gabdhii ayaa miskiinkii ku tiri: Walaaloow wajigaagu iguma cusba ee xageen kugu arkay?. Miskiinkii ayaa ku yiri: Haa, kuguma cusba, Soow Nafisa Qurux ma tihid, Jimca kasta 3 saac ayaan khadka ku wada sheekeysanaa, Face book-ga ayaan Friends ku nahay. ( FS 2aad)

(waa khayr Hadoowna dhihin, kii Nasashada Jimcaha soo Qori jiray ayaan ahay)

3-Nin reer Gaalkacyo ah oo aan weligii Xamar imaan ayaa tahriibay, waxa uuna iska dhiibay magaalada London. Gaaladii xafiiska magan galyadoonka ayaa ku tiri: Xageed ka timid? Waxa uu yiri: Ma aniga, waxaan ahay reer Baydhabo, laakin hadda Xamar ayaan ka soo cararay markaan dagaalada u adkeeysan waayay. Gaaladii ayaa ku tiri: Laba su’aal oo gaagaaban ayaan ku weydiineynaa, kuwaa oo kala ah: Wabiga Shabeelle dhinacee ayuu ka maraa Suuqa Bakaaraha?. Iyo Baydhabo meeqa Dekadood ayey leedahay?.

Waxa uu ku jawaabay ,waa laguu garan hayaa. Wabigu Bartamaha suuqa ayuu maraa, dhica bari ee qaybta Maacuunta lagu iibiyo. Baydhabana ogaanteey Laba dekadood oo Maraakiibta waaweyn ku xirataan ayaan ku ogaa.

Waa la soo tarxiilay isagoo ku doodaya Gaaladu maxey Somalia ka garanahayaan, innagaa soo doonanay cadaalad indha xiran, nin reer hebel ah oo u tarjumayay ayaa igu diraye, walee annaga iyo reerahaa colaadeeno ma dhamaato. ( FS 3aad)

( koo Diaspora ah oo imtixaan shaqo looga qaadayay Xamar, jagadda "Agaasimaha Maamulka Lacagta” ayaa la weydiiyay. Somalia Goormey xuriyada qaadatay?. waxa uu yiri: 4 July Mareeykanka baan the same day isku maalin qaadanay independensiga. Waxaa la weydiiyay waa maxaay waajibaadka Agaasimaha Maamulka Lacagtu? Waxa uu yiri: waa in uu ilaaliyo lacagta uu maalin kasta soo shaqeeyo, waana in uu wada yaqaan goobaha Taxi-da laga raaco ee Magaalada iyo Calaamadaha Wadooyinka, Kastamariskana waa in uu si wanaagsan ula macaamilo. Waxaa lagu yiri: waan ku garanay, Taxi-le hore, bax ee Bajaaj iibso. waxa uu baxay isaga oo ku sii qaylinayo, Shit ,shit, they know nothing, waa badawdii dalka ku hartay). (FS 4aad)

4-Mid Cabtooy ah ayaa saxiibkii ku yiri: Ramalaanka sided jeclaan leheyd in laga dhigo?. Kii kale yaa ku yiri: Ramadaanku waxaa uu ku fiicnaa in 4tii sanaba mar la qabto, sida Koobka Ciyaaraha Aduunka, oo soomaliduna ay ku harto is reeb reebka hore, markaa yaa soon naga raba.

Cabtooyda warkoodu xumaa ninba wixii uu jeclaan lahaa ayuu soo jeedinayaa!!!.

( Hadeey xildhibaana ahaan lahaayeen waxa ay dhihi lahaayeen, Soonka iyo Doorasada Xildhibaanadaba ha laga dhigo 8dii sannaba mar).

5-Rooble Maxamed oo Bus wada ayaa waxaa soo raacay Laba nin oo cabsan, Baskii oo socda ayaa midkood caluushu xanuuntay, Shubana waa qabtay. kadibna Daaqada ayuu Dabada kala baxay, waana sii daayay wixii calooshiisa ku jiray, Rooble ayaa haadka ha arkay, kuna yiri: war maxaad sameynee?.Cabtooygii ayaa ku yiri: Waan matagayay. Rooble ayaa ku yiri: war daamanweynidaa.

(waxa "Duka Raq” la isku heeysto Laba beelood waa ka daamanweyn tahay)

6-Haweeney ayaa waxa ay aragtay, naaga deriskeeda ah oo gabdhahooda saqiirada ah ku leh: Naa Cambarta Qarso,naa Cowrada qarso iyo naa ufta qari. Iyadiina Gabdheheedii yar yaraa ayey ku tiri: Naayaada Daanyeerka qarsada. Gabdhihii ayaa la qabsaday magic bixinta hooyadood. Markii ay waaweynaadeen ayaa mid 14 jir ahii waxa ay ku tiri, tii ka weeyneed oo 16 jir ah: Abaayo, Daanyeerkeeygu waxa uu u ekaaday Daanyeeradii runta ahaa. Tii 16 jirka aheed ayaa ku tiri: Maxaa dhacay? Tii yareed ayaa ku tiri: Tin ayuu yeeshay.Tii weyneed ayaa ku tiri: aniga Daanyeerkeeygu mar hore ayuu bilaabay Moos cunidda…..Ar ilmaha si wanaagsan wax ha loogu sheego.( FS 5aad)

( Gofernatoore Gobal haddaad ugu yeerto Madaxweyne, Markuu 14 jirsado, in aad Boqor ugu yeerto ayuu kaa rabaa).

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip