CabdiWeli Gaas ha garto inaan M Saleebaan keliyihi ku dulmanayn 4.5 ee horta Puntland ha saxo

0
Saturday December 26, 2015 - 13:40:48 in Maqaallo by
  • Visits: 1358
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    CabdiWeli Gaas ha garto inaan M Saleebaan keliyihi ku dulmanayn 4.5 ee horta Puntland ha saxo

    Sida Umadda Soomaaliyeed la wada socoto waxaa muran badani ka taagan yahay nidaamka doorasho iyo sadqaybsiga ee Federaalka ee 2016 Waxaa ugu weyn ee laysku diidan yahay waa nidaam qaybsi 4.5 qabiil iyo nidaam qaybsi deegaan, degmooyin iyo gobolo ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida Umadda Soomaaliyeed la wada socoto waxaa muran badani ka taagan yahay nidaamka doorasho iyo sadqaybsiga ee Federaalka ee 2016 Waxaa ugu weyn ee laysku diidan yahay waa nidaam qaybsi 4.5 qabiil iyo nidaam qaybsi deegaan, degmooyin iyo gobolo ku salaysan. Masuuliyiinta Degaanka ku doodayaa waxaa ugu horeeya Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Cali Gaas oo cod dheer iyo cod gaabanba ku sheegay in ay cadaalad daro tahay in qabiil wax lagu qabsado oo degaan loo baahan yahay. Qofku haduu wax diidan yahay waa inuu marka hore isagu nadiif ka yahay, haduu ku jirayna waxaa haboon intaanu sheegin isuu isa soo saxo.

Maxay Puntland goleyaasheedu ku dhisan yihiin? Qabiil ayey ku saleysan yihiin.

Hadaan Tusaale u soo qaadano Beesha DHULBAHANTE, xubnaga golaha wakiilada kaga jiraa waxay ku qaybsadeen qabiil, waxaana qaybtaas ku hilbo qaatay oo ka mid ah Dhulbahantaha Soomaaliya, kan Itoobiya iyo kuwa Kenya, taasi waxay keentay in degaamadii Soomaaliya qadaan, kuwii Etoobiyana waxwalba qaataan.

Xubnaha Dhulbahante ee Baarlamaanka Puntland ku jira, 3 meelood marka loo qaybiyo 2 meelood waxay ka yimaadeen Kilinka 5aad iyo degmada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer, halka hal meel keliyihi ka timid Sool iyo Sanaag.

Puntland ku xigeenka Baarlamaanka Xuseen Yaasiin X.Diiriye (Xaaji) wuxuu ka soo jeeda Kilinka 5aad, halka Saadiq Abshir Garaad oo Metela Sool iyo Sanaag uu cidlo fadhiyo.

Golaha Wasiirada Madaxweyne kuxigeenka Puntland Cabdixakiim Camey wuxuu ka soo jeeda kilinka 5aad iyo Buuhoodle, halka Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) oo Sool iyo Sanaag oo dhan haystaa waxba ku waayey.

Taas keliya Maaha 6 nin ee hoos ku sawirani waxay ka soo jeedaan kilinka 5aad. ​Hadana meelkasta iyagaa ordaya oo Sool iyo Sanaag sheeganaya.

madaxweyne ku xiogeenka Puntland Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey


​Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey, Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Saleeban Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), Yuusuf Indhosheel, Wasiir Cali Axmed Jaamac Jangali, Madaxweynaha Saaxdheer Cali Khaliif Galaydh iyo Gudoomiye Kuxigeenka Baarlamaankana XUSEEN YAASIIN X.DIIRIYE (Xaaji)
Lixdoodaba waxaa ka dhaxeeya Buuhoodle oo maalinba mid lagu soo dhoweeyaa, waxaana soo dhoweeya dad isku mid ah, waxayna u haystaan inay fiicnaan tahay degaan kale oo la sheegto, oo xitaa waxay u gudbeen Reer Maakhir oo ay sheegayaan inay metelaan, laakiin waxay ka mid yihiin dhibaatooyinkii Burburku keenay, Qaydkaas Dhulbahantenimada ayey Sool iyo Sanaag kula dhuuqayaan.

Yeeli maayaan ama mana qaadan karaan in degaan wax lagu qaybsado, waxayna habeen iyo maalinba u ooyayaan ama u ololeynayaan in 4.5 lasii dheereeyo.

HADABA:

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas intii aanu Soomaali u gudbin bal marka hore MaamulGoboleedka uu xukumo degaan iyo cadaalad wax howgu qaybiyo, oo intuu Madaxweyne kuxigeenkiisa Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey kursiga ka kiciyo, haku bedelo qof Sool iyo Sanaag ka soo jeeda, sidoo kale Gudoomiye Kuxigeenka Baarlamaankana XUSEEN YAASIIN X.DIIRIYE (Xaaji) ha ka dejiyo shirgudoonka, Xildhibaanada halaga doortay mid Sool iyo Sanaag metela.

Gaas Markuu nidaamka degaan wax ku qaybsiga Puntland goleyaasheeda ka hirgeliyo oo ku guuleysto, Soomaaliweyn hadal la’aan ayey ku raacaysaa, waxayna noqonaysaa wax soconaya oo la tijaabiyey oo Puntland lagaga daydo.

Haddiise uu inta ka horeysa Shirka Kismaanyo ku guuleysan waayo inuu Puntland ka hirgeliyo nidaamka degaan wax ku qaybsiga, waxaa la gudboon inuu Soomaalida ku raaco qaybsiga 4.5, oo aanu ku khasbin wuxuu isba sameyn kari waayey, islamarkaana waxaa fiican inuu garto inaan Maxamuud Saleebaan oo keliyihi ku dulmanayn 4.5 ee beelaha kaleba dhibtu haysato, sidaasdarteed uu iimaansado 12 kursi ee ay Baarlamaanka Federaalka Somalia Beeshiisu ku leedahay.

xigasho dayniile.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip