Dhacdo Xaqiiq Ah: Dood dhaxmartay wadaad caalami ah iyo baadari khaniisada joogo…

0
Tuesday May 22, 2018 - 22:59:03 in Wararka by
  • Visits: 1095
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhacdo Xaqiiq Ah: Dood dhaxmartay wadaad caalami ah iyo baadari khaniisada joogo…

    Sheekh Caalim ahaa oo la oran jiray (Abuyazid Albasdhami) ayaa maqlay habeen, qaylada kuwa Kirishtan ah oo Kaniisada kadhex qaylinaya, wuuna ugalay, kadibna wuu dhex fariistay, isagoo u malaynaya inayna garan doonin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Caalim ahaa oo la oran jiray (Abuyazid Albasdhami) ayaa maqlay habeen, qaylada kuwa Kirishtan ah oo Kaniisada kadhex qaylinaya, wuuna ugalay, kadibna wuu dhex fariistay, isagoo u malaynaya inayna garan doonin.

Badarigii Kaniisaduna markuu hadal is yirina sheekhii buu arkay, wuxuuna yiri "Ma hadlayo ilaa aad inaga dhex saartaan ninkaas muslimka ah.” Waxayna weydiiyeen: Sideed ku ogaatay inuu Muslim yahay? Wuxuuna yiri (Muslimiinta wajigooda waxaa kutaala calaamada/ raadkii sujuuda) wuxuuna kacodsaday inuu boxo sheekhu, sheekiina wuxuu yiri "Mabaxayo ilaa uu Ilaahay ina kala saaro”.

Badarigiina wuxuu yiri "Haddaba waxaan ku weydiinayaa dhawr Su’aalood, haddaad si sax ah uga Jawaabtana waxaan raacaynaa Diintaada, hadii kalana Seef baa inaga dhaxaysa!                      Sheekhiina wuxuu yiri soo daa Su’aalaha, isagoo aad ugu kalsoon inuu Ilaahay qofka Muslimka ah Xaqa waafajinayo. Badarigiina wuxuu yiri iisheeg:


Waaxid aan laba noqonin? Labo aan Sadex noqonin? Sadex aan Afar noqonin?
Afara aan shan nononin ?Shan aan Lix Noqonin? Lix aan Todoba noqonin? Todoba aan Sideed noqonin?
Sideed aan Sagaal noqon Karin? Maxayse tahay Sagaalka mucjiso?
Mase taqanaa tobanka badan kartaa? Maxayse yihiin 11 ku?
Mase taqaanaa Qabrigii la socday qofkiisii?
Muxuuse yahay shayga aan noolayn, ee neefsadaa?
Muxuuse yahay shayga uu Rabbi abuuray, isla markaana uu nacay?
Yaa waaye kuwa runta sheegay ee naarta galay?  Iyo kuwa beenta sheegay ee Jannada galay?
Mase taqaanaa, Uunka Rabbi abuuray aabbe iyo hooya la´aan?
Mase taqaannaa geed leh 12 laamood, laan kastana leedahay 30 waraaqood, warqad kastana leedahay 5 sabuul, saddex hooska ku baxda iyo labo qorraxda ku baxda?
Kajwaab Su’aalahaas!!!

Sheekhiina wuu istaagay, Ilaahay buuna weydiistay inuu carrabkiisa Xaqa ku toosiyo, wuxuuna yiri:-
Waaxidka aan Laba noqnini waa – Allaah  (swt)
Labada aan Sadex noqnina waa – Habeenka iyo maalinta
Sadexda aan Afar noqonina waa – Afeeftii Khidr siiyay Nabi Muuse calayhi asalam
Afarta aan 5 noqonina waa – Tawraad, INjiil, Sabuur iyo Furqaan 
Shanta aan Lix noqonina waa – Shanta Saladood ee Ilaahay faral yeelay
Lixda aan Todoba noqonina waa – Maalmihii uu Ilahay aduunka ku abuuray
Todoba aan Sideed noqonina waa – Todobada Samo ee Rabbi abuuray
Siddeeda aan Sagaal noqonina waa – Malaa’igta haysa Carshiga Rabbi (swt)
Sagaalka Mucjisana waa – Kuwii uu Rabbi siiyay Nabi Muuse
Tobanka badan kartaana waa – Ajarka Camalka wanaagsan ee Rabbi u sii badin karo qofkuu rabo.
Koobya Tobanku waa – Wiilashii Nabi Yacquub, Yusuf walaalihii
Sadex iyo Tobankuna waa – Yusuf walaalihii iyo labadiisii waalid
Shayga aan noolayn ee neefsadana – Waa Subaxda (wassubxi idaa tanaffasa)
Qabriga la socday qofkii kujirayna waa – Xuutkii liqay Nabi Yoonis calayhi asalam
Kuwa runta sheegay ee naarta galay waa Yahuudda, oo yiri; Kirishtanku xaq kuma taagna, iyo Kirishtanku oo yiri; yahuudu xaq kuma taagna, labada qolaba run bay sheegeen, naar bayna gali doonaan, gaalimadooda darteet.
Kuwa beenta sheegay ee Jannada gali doonana waa Yusuf walaalihii, oo yiri; Yusuf dhurwaa baa cunay, ka dibna aabbahood baa Ilaahay danbi dhaaf u weydiiyay, Rabbina wuu u danbi dhaafay.
Uunka uu Rabbi (swt) aabbe iyo hooya la´aana abuurayna waa; malaa´igta, oo kasamaysan Nuur, una baahnayn, hooyo aabbe, cunto, cabitaan iwm midna.
           Sidoo kale aabbeheen Aadam, malaheyn aabbe iyo hooyo midna, Nabi Ciisane wuxuu lahaa hooyo, balse aabbe malaheyn.
Geedka 12 laamood lihina waa Sanadka, oo ka kooban 12 Laamood/ bilood, bilkastana waxay leedahay 30 warqadood/ maalmood, maalin kastana waxay leedahay 5 Sabuul/ Salaadood, sadex hooskay kubaxaan; Maqrib, Cishe iyo subax, labana qoraxday ku baxaan waana Duhur iyo Casar.
                 Ka dibna sheekhii wuxuu ku yiri Badarigii; anu hal su´aal ah maku weydiin karaa?
Isna wuxuu yiri; Haa, soo daa, wuxuuna weydiiyay muxuu yahay Janada furaheedu? Badarigiina wuu wareeray, wuuna aamusay, waxaana ku qaylyay dadkiisii, oo yiri; waxaad weydiisay Sheekha su´aalo faro badan, dhammaana wuu kaaga jawaabay. Isna hal su´aal ah ayuu ku weydiiyay, mana ka jawaabi kartid!!!
        Badarigiina wuxuu yiri; jawaabta waan aqanaa, balse idinkaan idiin cabsanyaa….
Iyagiina waxay dheheen; waxba ha cabsanine kajawaab su´aasha!!
     Wuxuuna ku jawabay Jannada furaheedu waa; (Laa Ilaaha Illa laah, Muxammadda  Rasuul Allah).
Iyagiina haljeer bay kaceen dhammaan-toodna Dheheena (Laa ilaaha ila Allah, Muxamad rasulu Allah)
Badarigiina way raacdeyeen, kaniisadiina waxay u badaleen Masaajid ilaahay lagu cabudo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip