Wallaahi Anigu Tuug ma ihi !!!!.

0
Monday May 21, 2018 - 23:28:15 in Wararka by
  • Visits: 800
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wallaahi Anigu Tuug ma ihi !!!!.

    Wallahi anigu tuug ma ihi 3 bil ayaan wasiir ahaa hal guri oo kaliya ayaan K4 ka gatay,Nus Million$ bis ayaana ka bixiyay.tuugii waa kaa .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wallahi anigu tuug ma ihi 3 bil ayaan wasiir ahaa hal guri oo kaliya ayaan K4 ka gatay,Nus Million$ bis ayaana ka bixiyay.tuugii waa kaa .

Wallaahi Anna ma ihi haddii xilka la iga qaaday kadib ayaan 2 Villa oo kaliya Dubai ka gatay, waana 6 million $ bis, tuugii waa kaa.

Aniga ha i nabin, taxi ayaan ku wadi jiray Ohio ,maanta 5 Tareel ayaa ii shqeysa, tuugii waa kaaas.

Anigu London ayaan ku shiiday, maantana waxaan ka deganahay 5 Star Hotel. Tuugii waa kaa.

Alla ka cabso, anigu dadka ayaan u sheegayay muddo 6 bilood ah in ay dhisma masjid,lacag ku darsadaan 4 bakhaar iyo 2 super market ayaan leeyahay, tuuganimo iga fogeey, Ahlu tabaruc li ajli laahi.

Aniga Nairobi ayaan ka garaabeysan jiray ,haddan hal bil ayaan garaash Ku dhisay tuug miyaan ahay, wixii Alla ii qoray miyaad ii diidan tahay?.tuugii waa kaa.



Annigu la taliye aan tala heeyn ayaan ahay, taladiiba 10.000 haddaan Ku qaato tuug miyaan ahay? Tuugii waa kaa.

Haddan Qatar iyo imaaraadka aan ka qaraabano tuugo miyaan nahay,wixii nala siiyo waan qaadan karnaa ileeyn miisaaniyada doowlada ee la ansixiyay ku ma qornee.annagu tuuga ma nihin.

Shirkadaha Mog oil, kaluun company iyo Dhuxul business lacagta laga helo miyaa tuugo lagu noqaa.tuugii waa kaa.

Anigu….Anigu…..,Anigu……

Tuugii haddaa la arkay, qabta, cadaalada hor geeya, waa Maja kuusi, Xamaaliga dekedda, fiiri dambiisha uu wato, waxaa ku jira 3 xabo oo Rooti ah, mushaarkiisu Laba Rooti kama badno, kan 3 aad intuu ka keenay?. Hala xiro,.war waa rootigii shalay iyo kii maanta, waxna ma xaddo ee ma la igu raad tiranayaa.

FG: aragtidaada xor, adigu tuug ma tihid.yaa yaa sug, isa sheeg marka hore.

Qore: yahya Amir.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip