RA'YI: Magaalada Buulabarde waa magaalo Ceynkee ah?!

0
Friday December 25, 2015 - 18:04:43 in Maqaallo by
  • Visits: 2845
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RA'YI: Magaalada Buulabarde waa magaalo Ceynkee ah?!

    Magaalada Buulobarde waxa ay ku talaa gobalka Hiiraan, waxa ay ka mid tahay dagmooyinka ugu waaweyn Gobalka Hiiraan, sidoo kale magaalada waxa ay ku taalaa dhanka Qoraxsin ee wabiga Shabelle, Magaalada Muqdisho waxa ay u jirtaa 220km.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Buulobarde waxa ay ku talaa gobalka Hiiraan, waxa ay ka mid tahay dagmooyinka ugu waaweyn Gobalka Hiiraan, sidoo kale magaalada waxa ay ku taalaa dhanka Qoraxsin ee wabiga Shabelle, Magaalada Muqdisho waxa ay u jirtaa 220km. Dhanka kale magaalada Buulo Barde waagii hore waxaa la dhihi jiray Buulo Burte oo micnaheeda yahay Buuladii Bacaadka, laakiin xiliyadii dambe ayuu isku badalay magacaas Buulo Barde, (Barde) waa geed wabiga jiinkiisa ka baxo o ay caan ku tahay magaalada buulo Barde, magacyada kale ee loo yaqaanay ama loogu yeeri jiray waxaa kamid ah Buulaay ama Deebleey.

Magaalada buulo barde waxa ay ka kooban tahay xaafado badan laakiin waxaa ugu caansan sedax xaafadood oo kala ah, xaafada idhoceel, xaafada hanti wadaag, iyo xaafada Oktober.

Magaalada buulo Barde waxaa ka baxo dhamaan dhirta kala gadisan ee laga soo saaro dhulkeena hooyo, waa magaalo dhul beereed leh waxaa ka baxo dhamaan qudaarta noocyadeeda kala gadisan, sidoo kale magaalada waxa ay caan ku tahay dhaqashada xoolaha sida ariga, geela, lo’da . Magaalada waxaa maro wabiga Shabelle, waxeyna ka mid tahay magaaloyinka ugu muhimsan Somalia dhanka dhaqaalaha.

Dhanka kale magaalada Buulo Barde waa magaalo istiraatiiji ah, waxa ay isku xirtaa Gobalada dhexe iyo Gobalada waqooyi ee Saomalia , sidaa darteed waa magaalo aad muhiim u ah isku socodka iyo u kala gooshida gobalada dhexe ee Soomalia.

Dhanka waxbarashada Dugsiyada ugu caansanaa ee soo maray magaalada Buulo barde waxaa kamid ah dugsiga H/dhexe iyo sare ee Deebleey , kaas soo saari jiray arday aqoontooda waxbarasho aad u sareeyso. Dhanka kale magaalada buulo barde waxey ka mid tahay meelaha lagula dagaalamay gumeysihii Talyaaniga iyadoo sanadkii 1922 dagaal adag oo dad badan ku dhinteen ku dhexmaray magaalada askartii talyaaniga iyo halgamaa sheekh Xasan Barsane.

Burburkii dowladii dhexe kadib magaalada buulabarde waxaa saameeyn ku yeeshay dagaaladii sokeeye ee ka dhacay Soomalia ayada o ay meesha ka baxeen adeegyadii bulshada sida isbitaaladii iyo Iskuuladii inkastoo hada magaalada wax xogaa soo kabaneeyso kadib markii ay magaalada la wareegen ciidamada dowlada iyo kuwa Djibuuti oo iskaashanayo, laakiin magaalada wali sidii la rabay ma ahan marmarka qaar waxaa go’doomiye ama weeraro toos ah iyo qaraxyo ka fuliya Alshabaab, arintaas oo dhibaato weyn ka soo gaarto dadka rayidka ah ee ku dhaqan magaalada buulo barde.

Magaalada buulobarde waxaa ku nool qabaailo Soomaliyeed oo si daris wanaag ah ku wada nool, dhamaan qabaailada dagan buulo barde waa dad jecel nabada kana shaqeeyo nabada, asal ahaan qabiilka dago ama ugu badan magaalada buulobarde waa qabiilka loyaqaano Baadicadde. Hada magaalada buulo barde waxaa gacanta ku haayo ciidamada dowlada oo garab ka helaayo kuwa Jabuuti oo ka mid ah howlgalka Amisom, waxaana gudoomiye ka ah magaalada Cabdi casiis Duurow.

Ugu danbeyntii magaalada buulo barde waxaa hada loo magacaabay caasimada maamulka lo dhisi doono Hiiraan iyo Shabeelada dhexe, run ahaantii waa magaalo u qalanto oo meel istiraatiiji ah ku taalo, labada gobal isku xerkoodane muhiim ayay u tahay, maamulka degmada buulo barde iyo shacabka ku nool magaalada ayaa si diiran uso dhaweeyay, ku dhawaaqista madaxweyne Xasan sheekh uu ku dhawaaqay in ay caasimad u noqoto maamulka loo dhisi doono Gobalada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe, waxaane u rajeynayaa in ay noqoto magaalo u horseedo hormar dadka ku nool labadaas gobal.

bulo-burde

Ali Mohamed Farah( Cali Dheere)


Email:alimohamf4@gmail.com
Facbk:alidheere1@hotmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip