Dorgba Oo Ku Soo Laabanaya Chelsea Iyadoo Wadahadalo Ay U Socdaan Blues Iyo Kooxdiisa Haatan Ee Monreal Impact.

0
Thursday December 24, 2015 - 13:55:50 in Sports News by
  • Visits: 863
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dorgba Oo Ku Soo Laabanaya Chelsea Iyadoo Wadahadalo Ay U Socdaan Blues Iyo Kooxdiisa Haatan Ee Monreal Impact.

    Montreal ayaa sheegtay in Drogba uu shaaca ka qaaday inuu doonayo inuu caawiyo kooxdiisa hore. "Waan fahamsanahay xiriirka uu la leeyahay Chelsea, laakiin yoolkeena waa inuu inoo ciyaaro xilli ciyaareed kale" ayay Monreal ku soo qortay b

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Montreal ayaa sheegtay in Drogba uu shaaca ka qaaday inuu doonayo inuu caawiyo kooxdiisa hore. "Waan fahamsanahay xiriirka uu la leeyahay Chelsea, laakiin yoolkeena waa inuu inoo ciyaaro xilli ciyaareed kale" ayay Monreal ku soo qortay bogeeda Twitter.

Drogba oo u saxiixay Montreal bishii July ayaa daawaday kulankii ay Chelsea sabtidii ka badisay Sunderland isaga iyo tababaraha ku meel gaarka ah Guus Hiddink iyo milkiile Roman Abramovic.

Hiddink ayaa shalayto diiday inuu xaqiijiso in Drogba uu ku soo biiri doono shaqaalahiisa tababarka.

_87367696_drogba_getty
Chelsea ayaa wadahadalo kula jirta kooxda horyaalka Mareykanka ka ciyaarta ee Montreal Impact iyagoo kala hadlaya mustaqbalka Didier Drogba."Waxaan la shaqeeyay shan ama lix sanno ka hor, waxaana ku faraxsanaa inaan ciyaaryahan isagoo kale ah ku heystay kooxda” ayuu yiri ninka reer Holland.

"Waa halyeey kooxda ah. Waxa kaliya ee jira haatan ayaa ah inuu u ciyaarayo kooxda Montreal.

"Waxa rasmiga ah ee socda ma ogi laakiin waxaan u hadlayaa si qalbi furan waxaana aaminsanahay in ciyaaryahano saameyn leh inay fure u yihiin kooxda.”

Xiddiga reer Ivory Coast ayaa sagaal sanno ku qaatay Stamford Bridge labo jeer uu u kala ciyaaray isagoo markii hore u ciyaaray intii u dhaxeysay 2004 iyo 2012 ka hor inta uusan dib ugu laabanin xilli ciyaareedkii hore.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip