Chelsea Oo Lacag Siin Karta Mourinho Isagoo Tababare Ka Ah Kooxda Ay Xafiiltamaan Ee Man United.

0
Thursday December 24, 2015 - 13:53:14 in Sports News by
  • Visits: 865
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Chelsea Oo Lacag Siin Karta Mourinho Isagoo Tababare Ka Ah Kooxda Ay Xafiiltamaan Ee Man United.

    Mourinho ayaa ugu cadcad inuu shaqada Man United ka bedelo tababare Louis ban Gaal, laakiin waxaa qasab ku noqon doonta inuu aqbalo mushahar dhimis aad u weyn si uu u qabto kooxda Old Trafford ka dhisan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mourinho ayaa ugu cadcad inuu shaqada Man United ka bedelo tababare Louis ban Gaal, laakiin waxaa qasab ku noqon doonta inuu aqbalo mushahar dhimis aad u weyn si uu u qabto kooxda Old Trafford ka dhisan.

Chelesea ayaa siisay Mourinho qandaraas cusub oo uu sannadkii ku qaadan lahaa 10 milyan ginni bishii August, laakiin waxaa la filayaa inuu Mourinho qaadan doono xill ciyaareedkii 6 milyan ginni haddii uu bedelo Van Gaal.

Sport - 2015 Christmas Package

Chelsea ayaa lagu siin karta Mourinho isagoo tababare ka ah kooxda ay Premier League ku xafiiltamaan ee Manchester United.

Sida uu dhigayay heshiiskii uu kaga tagay Stamford Bridge, waxaa la rumeysan yahay in Mourinho uu mushaharkiisa ka heli doono Chelsea ilaa iyo shaqo cusub ka helayo.

Waxaa sidoo kale la fahamsan yahay in Chelsea ay ku qasbanaan doonto inay buuxiso mushaharkiisa inta ka dhiman xilli ciyaareedka haddii uu aqbalo shaqo uu ku qaadanayo in ka yar mushaharkii uu ka qaadan lahaa Chelsea.

Taasoo la micno ah in Chelsea ay ku qasbanaan doonto inay Mourinho siiso lacag ku dhow 1.5 milyan ginni si uu tababare ugu noqdo United haddii uu bedel Van Gaal bilowga sannadka cusub. Laakiin lacag buuxinta musaharkiisa waxa ay ku egtahay kaliya ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip