Ar Jiilka cusuboow SYL yaan been la idinkaga sheegin.

0
Saturday May 19, 2018 - 01:14:59 in Wararka by
  • Visits: 805
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ar Jiilka cusuboow SYL yaan been la idinkaga sheegin.

    Maanta oo ah sannad guuraagii 75aad ee asaaskii SYL, waxaan arkay rag odayaal ah oo eedeynayay asaasayaashii SYL oo leh: waa khaldanaayeen waqtigaa xoriyada diyaar looma aheyn, aqoonna ma laheyn, aad ayaan uga carooday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanta oo ah sannad guuraagii 75aad ee asaaskii SYL, waxaan arkay rag odayaal ah oo eedeynayay asaasayaashii SYL oo leh: waa khaldanaayeen waqtigaa xoriyada diyaar looma aheyn, aqoonna ma laheyn, aad ayaan uga carooday.

Jiilka cusuboow ragaa oo kale yeyna been idiin sheegin. Dhalin yaradii SYL waxa ay badankoodu ahaayeen dad aad u da’ yar ,oo ahaa xer ahlu dariiqa ah oo masaajidda wax ka barata, waxa ay ahaayeen dad karti leh, wadaniyiin ah, rabay in dalku xuriyad gaaro,naftoodana khatar u galiyay. Fikirkooda waxa ay ku fidiyeen dhamaan deegaanada 5ta soomaali.



Xarumahooda ugu weyn waxa ka mid ahaa Diridhabo ,Gaarisa iyo magaalooyin kale waan hayaa dad badan oo deegaanadaa ah liiskoodii ay taakulada ku bixiyeen.

Raggaa 13 ka ahaa nasiib wanaag waxaan is baranay 5 ka mid ah, Labo waxaan bartay dagaaladii sokeeye ee 1990 kii ka hor, waa 1- Xaaji Maxamed Xuseen.2- Cusman Gedi Raage AUN. Saddaxna waxaan bartay wixii ka dambeeyay 1990kii.3- Maxamed Farax Hiloowle. 4-Maxamed Cali Nuur.iyo 5- Daair Xaaji Cusmaan ( Daahir dhaga weyne) AUN oo magaalada Qardho ku geeriyooday 2008.oo aan kulanay 1993 – (fiiri Sawirka 1aad).

In kasta oo aan ahaa qof da’ yar haddana, shantaas asaase waxaan isku dayay in aan ka qoro wixii ay goob joog u ahaayeen, wax badana waan ka faa’iiday.
Jiilka cusuboow markii aan maanta arkay raggii aflagadeeynayay SYL ,waxaan goostay in aan mustaqbalka idinla wadaago wixii xaqiiqa ee Alla ila ogyahay ee aan raggaa Afkooda ka qoray haddii Alla idmo. Si aad uga badbaado in been lagaaga sheego taariikhda SYL.

Akhristoow ,Aan maanta u duceeyno,qulhuwalana u aqrino 5aa aan nolosha kula kulmay iyo 8 da ayna ii suura galin in aan nolosha ku arko, damaanba13kaa asaase.

FG: wixii aan khalday iga sax,wixii dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip