LVG Oo Dalbaday Raaligelin Iyo Jariirada The Sun Oo Maanta Wargeyskeeda Ku Soo Qortay Raaligelin Maadeysi Ah.

0
Thursday December 24, 2015 - 13:44:44 in Sports News by
  • Visits: 832
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    LVG Oo Dalbaday Raaligelin Iyo Jariirada The Sun Oo Maanta Wargeyskeeda Ku Soo Qortay Raaligelin Maadeysi Ah.

    Louis van Gaal ayaa shalayto ka dalbaday saxaafada Ingariiska inay raaligelin ka bixiyaan wararkii xanta ahaa ee ay ka sameeyeen mustaqbalkiisa iyadoo isbuucii ugu danbeysay la sheegayay inuu qarka u saaran yahay in la ceyriyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Louis van Gaal ayaa shalayto ka dalbaday saxaafada Ingariiska inay raaligelin ka bixiyaan wararkii xanta ahaa ee ay ka sameeyeen mustaqbalkiisa iyadoo isbuucii ugu danbeysay la sheegayay inuu qarka u saaran yahay in la ceyriyo.

Van Gaal ayaa isaga baxay shirkiisa jaraa’id shalayto ka dib shan daqiiqo uu u la hadlay saxaafada, waxaana uu ku eedeeyay inay walwal geliyeen xaaskiisa, qoyskiisa iyo asxaabtiisa, madaama ay soo baxeen talaadadii warar sheegayay in durbaba la ceyriyay.

Hadaba jariirada The Sun ee ka soo baxda dalka Ingariiska oo ka duuleysa codsiga Louis van Gaal ee ahaa in raaligelin la siiyo ayaa soo saartay liis raaligelin ah oo duraya tababare Van Gaal.

lvg-im-sorry-NEW_4_2615964a
Waxay yiraahdeen:

— Waxaan raaligelin ka bixineynaa inaadan badinin muddo lix kulan ah.


— Waxaan raaligelin ka bixineynaa inaad 1aadka soo dhacday oo aad u soo dhacday kaalinta 5aad.
— Waxaan raaligelin ka bixineynaa inaad ka hartay Champions League.
— Waxaan raaligelin ka bixineynaa inaad taageerayaasha caajisgelisay oo aad gaarsiisay inay ooyaan.
— Waxaan raaligelin ka bixineynaa inaad qarashgareysay 250 milyan ginni si aad sidaan u sameyso.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip