Real Madrid Oo K Tumatay Celta Vigo Ciyaar Goolal Badan ay Dhalisay!

0
Sunday May 13, 2018 - 12:07:04 in Wararka by
  • Visits: 565
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Real Madrid Oo K Tumatay Celta Vigo Ciyaar Goolal Badan ay Dhalisay!

    Kullan ka tirsan horyaalka Spain ee La Liga ayaa caawa ku dhex maray garoonka Bernabeu ee magaalada Madrid kooxaha kala Real Madrid iyo Celta Vigo. Real Madrid oo laga soo adkaaday kullankii u dambeeyay ka dib markii ay Sevilla kala soo hoyatay gu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kullan ka tirsan horyaalka Spain ee La Liga ayaa caawa ku dhex maray garoonka Bernabeu ee magaalada Madrid kooxaha kala Real Madrid iyo Celta Vigo. Real Madrid oo laga soo adkaaday kullankii u dambeeyay ka dib markii ay Sevilla kala soo hoyatay guul darro 3-2 ah ayaa caawa ciil kala dul dhacday kooxda Celta, iyadoo kaga adkaatay 6-0.

Gareth Bale oo caawa sameeyay bandhig cajiib ah ayaa daah furay goolasha Los Blancos, waxa uuna shabaqa taabsiiyay kubbad uu ka helay Luka Modric daqiiqaddii 13-aad ee ciyaarta.

Intii lagu guda jiray 30-kii daqiiqo ee ugu horreysay ciyaarta ayaa markale Bale gool qurux badan dhaliyay markii banooni fiican ka helay Isco, waxa uuna ka dhigay ciyaarta 2-0.

Isco oo caawiye ka ahaa goolkii labaad ee Gareth Bale ayaa 2 daqiiqo ka dib 3-0 ka dhigay ciyaarta isagoo ceel dheer ku riday in ciyaarta natiijadeeda la saadaaliyo, waxaana goolkaas ka caawiyay Toni Kroos.

Markii dib la isugu soo noqday, daqiiqaddii 52-aad, Achraf Hakimi markiisa shabaqa gaaray isagoo muujiyay in daafaca Real Madrid ay ka qayb yihiin bandhigga goolasha waxa uuna daba marsiiyay goolhayaha Celta Vigo goolkii afraad ee ciyaarta, kubbad xooggan oo uu markii hore soo dhisay Karim Benzema.

Daqiiqaddii 74-aad ee ciyaarta waxaa 5-0 ka dhigay laacibka kooxda Celta Vigo oo kubbad aan kas ka ahayn shabaqiisa taabsiiyay.

Waxaa markiisa shabaqa gaaray Toni Kroos oo ciyaarta ka dhigay 6-0, kubbad uu ka helay Borja Mayoral oo beddel kusoo galay kullanka qaybtiisii dambe, isagoo caaiye ka ahaa furitaan ka goolasha sidoo kalena waxa uu soo xiray bandhigga goolsha.



Real Madrid ayaa si xun ugu tumatay kooxda Celta Vigo oo fadhisa kaalinta 13-aad ee horyaalka iyadoo leh 46 dhibcood, halka Los Blancos ay ka dhigayso natiijadan inay yeelato 75 dhibcood, waxa ayna saddex dhibcood ka dambeysaa Atletico Madrid oo ku jirta booska labaad ee kala sarraynta La Liga.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip