Qubuuraha Muuminiinta, maxaan u tagay- Halkaa???.

0
Monday April 30, 2018 - 18:31:20 in Wararka by
  • Visits: 835
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qubuuraha Muuminiinta, maxaan u tagay- Halkaa???.

    Muslim ayaan ahay saddaxdaan qof Taariikhdoodana waxba kama aqaan, ilama haboona, laakin waajib ma ahan, waxaa laga yaabaa in ka badan inta aan ka aqaan in aad ka taqaanid, bal aan kala faa'iideysano.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muslim ayaan ahay saddaxdaan qof Taariikhdoodana waxba kama aqaan, ilama haboona, laakin waajib ma ahan, waxaa laga yaabaa in ka badan inta aan ka aqaan in aad ka taqaanid, bal aan kala faa'iideysano.

Booqashadeeydii -Sacad Bin Abii Waqaas- China, Boqor Najashi- Ethiopia iyo Abuu Ayuub Al-Ansaari-Turkey , Alla ha u wada naxariisto.

Dhulka Alle waa kala barakeysan yahay/kala nasiib badan yahay. Meel waxa ay nasiib u yeelatay in ay noqoto Masjid meel kalena goob caweys " night club” , meel arlada ka mid ahi waxa ay nasiib u yeelatay in ay noqoto Kacbadii, melena xarunta Fetikaanka ( kaniisada gaalada ugu weyn) ,meelna Qabri muumin lagu aasay, meel kale Qabri Munaafaq lagu dhax Cadaabayo, meel dugsi Quraan, melena waa xarun ubadka lagu gaaleeyo.

Salaadda masjidka ee jameecada ahi waa ka ajir badan tahay tan fardiga. Dadka Allaah uumayna waa kala cibaada badan yihiin , sida ay u kala cibaada/cabsi badan yihiin ayeeyna u kala karaama badan yihiin.

Haddii aad tagto qabri qof muslim ah ku duugan yahay ee aad u duceeyso adna aad ku ag duceeysato ,macnuhu ma ahan in aad qofkaa caabudeysay , xattaa haddii aad u timaado haweney reer miyi ah oo Qabri ag fadhida oo aad weeydiiso ma caabudeeysay ,waxa ay ku leedahay maya, Allaah oo kaliya ayaa la caabudaa, waan soo siyaartay oo macnuhu yahay waan soo booqday, qofka halkan ku aasani waxa uu ahaa waalidkeey, Deriskeygii, Saxiibkeey, qof aan is naqiin ama qof wanaag iyo Alla ka cabdi lagu yaqiin. Rasuulku SCW waa booqan jiray Qabriga hooyadii. in waalidka loo duceyana waa waajib iyo in aan la hilmaamin kuwa qabriyada ku jira ( fiiri sawirka 1aad).

Markii aan tagayay saddaxda Qabri ee Sacad ,Najashi iyo Abu Ayuub, uma tagin in aan caabudo beni aadam, maba ogeeyn in ey ku aasanyihiin magaalooyinka Istambuul-Turkey, Guangzhou-China iyo Mekele- Ethiopia. Haddana markii aan tagay magaalooyinkaa waan soo booqday waana u soo duceeyay.

SACAD BIN ABII WAQAAS.

Waxa uu ahaa qofkii 17aad ee soo islaama, isaga oo 17 sanno jir ha. Waxa uu ka mid ahaa 10 kii qof ee Rasuulku SCW Jannada ugu bishareeyay iyaga oo nool . Waxa uu ahaa shakhsiga aan ducadiisa xaga Alle laga soo celin. wax uu ahaa qofkii ugu horeyay oo muslim ah ee daadiya dhiiga gaalada.

waxa uu ka qayb galay dagaaladii Badr, Uxud, Qaadisiya iyo dagaala kale.waa ninkii dhisay magaalada Kufa ee dalka Ciraq oo uu Amiir ka noqday,sidoo kale Najaf ayuu Amiir ka noqday.

waxa uu ahaa nikii Islaamka gaarsiiyay China sannadkii 650 waqtigii Boqorkii shiinaha Gaozong uu xakumayay deegaanka Tang, Khalifkii Islamka Cuman ayaa u magacaabay Safiir in uu u noqdo, Boqorkii shiinuhuna waa soo dhaweeyay, waxa uu ku dhintay isaga oo 80 jir ahaa, laguna aasay isaga iyo Asaxaab badan magaalada Guangzhou ee dalka shiinaha.( fiiri Sawirka 2 & 3aad).

( Sallaad jimcaha ayaan kula tukaday masjidka Sacad uu ku dhinac aasan yahay ee ku yaal magalada Guangzhou ee dalka shiinaha, dad aan ku qiyaasay 20.000 qof ).

BOQOR NAJASHI.

Waxauu ahaa Qofkii ugu horeyay ee Rasuuku SCW uu amray in loo tukado " Salaatu Janaasatul gaa’ib”. Markii Jacfar Bin Abii Dalib iyo 80 Muslimiintii lagu dhibay Maka ay u haajireen dalka Xabashida ,Boqor Najash oo ahaa madixii boqortooyadii gaaladda markaa aad ayuu u soo dhaweeyay.

Markii Abu Jahal iyo Abu Sufyan ay ka daba direen wafdi kale si loo soo eryo muslimiinta oo ay ku yiraahdeen kuwaan iska eri waa dhalin yaro naga soo fasahaaday, waa diiday isaga oo ku qancay hadalka muslimiinta iyo sifada ay ku sheegeen Rasuulka SCW iyo markii ay u aqriyeen Suuratul Maryam aayadaha 19-32 aad.

Warqad ayaa Rasuulku SCW u ditay Boqor Najashi heshiiskii Xudeybiya kadib ,boqorku aad ayuu ula dhacay fariintaa warqadiina waxa uu kuu xafiday sansuuq ka sameeysnaa Faanta maroodiga ,isaguna waxa uu u qoray warqad jawaab celin ah.

Boqor Najashi oo islaamay iyo asaxaabtii la socotay gaaladii ayaa dagaal ku qaaday, waxaa ay u baxsadeen Figta buur dheer oo ay ku hareereysan yihiin buura kale oo ay adagtahay in cadawgu weeraro. Halkaa ayuu ku dhintay oo lagu aasay isaga iyo Asaaxb kale oo gaaraya 12 qof ahaa oo qaarkood ay Rasuulka SCW ay qaraaba ahaayeen. Magaalada Mekele Gobalka waqooyi ee Tigreega.

( Buurta oo aad u dheer dusheeda waxaa ka dhisay Masjid weyn oo ay ku aasanyihiin, waxaa mar dhaw dib u dhisay Duqa Magaalada Istambuul ee Turkiga, markii aan halkaa tagay waxaa masuuliyiintii Masjidku i siiyeen Laba warqadood oo ay igu yiraahdeen waa Copy-gii warqadihii ay isku direen Rasuuka SCW iyo Boqorku) Fiiri Sawirka 4 & 5 aad.

ABUU AYUUB AL-ANSARI.

Saxaabiga Khalid ibn Zayd ibn Kulayb (Abu Ayuub). waxauu ahaa rafiiq rasuulka aad ugu dhaw. Markii Rasuulku SCW oo ka yimid Maka ee uu tagay Madiina Ansaartii reer Madiinana ay aad u soo dhaweeyen, Rasuulku SCW waxa uu istaagay Quba oo aheyd markaa banaanka magaalada,wuxuuna joogay 3 cisho.

Rasuulku SCW waxa uu soo galay Madiina isaga oo Ratigiisii saaran ,dadkuna dhinacyada ayeey ka socdeen iyadoo qof waliba uu rajeynay in uu Nabigu SCW uu noqdo martigiisa gurigiisana uu ku soo dego, dadkuna ay lahayeen ka soo deg ,Rasuulkuna SCW ku yiri: Ratigu Amar Alla ayuu ku socdaa.

Ratigii wuu socady qof kastana wuu ka xumanayay markuu Gurigiisa ka gudbo,wuu sii socday dadkuna wey hareera socdeen ,waxa uu hor istaagay Barxad yar oo ku hortiil Guriga Abuu Ayuub Al- Ansari, laakin rasuulku SCW kama soo degin, waa socday wax yar kadib haddana Ratigii raadkiisii ayuu dib ugu soo noqday isla halkii ayuuna fadhiistay.

Abuu Ayuub aad ayuu u farxay ,waxa uuna gurigiisa ku soo dhaweeyay martigii aduunka ugu sharafta weynaa, gurigiisu waxa uu lahaa dabaq kore, qoyskiisii ayuu hoos soo dejiyay ,si kan kore uu Rasuulku SCW u dego, laakin Rasuulkii SCW ayaa Doorbiday kan hoose.

Xaaskiisi ayuu habeenkii ku iri: sideen u jeefeynaa qol ka sareeya Rasuulka Alle SCW, Armaan waxyiga soo dagi lahaa aan culeys ku noqonaa ,oo carra Alla nagu dhacdaa, dhinac fog oo gurigaa oo aan Rasuulka ku dul aadaneyn ayeey ku baryeen habeenkaa. Subaxdii ayuu Abuu Ayuub ku yiri: Rasuulka Allow Xalay ma aanan seexan aniga iyo xaaskeygu ,waxa uuna u sheegay arrintii .Rasuulkii ayaa ku yiri ha welwelin anigaa rabo qaybta hoose, sabata oo ah dad badan ayaa i soo booqanayo. Habeen kale waxaa jabay weel biyo ugu jireen,wuxuuna ka baqay in ay hoos u dusaan oo Rasuulka SCW ay toosiyaan, halkii kubeerto ee uu qabay ayuu ku daariyay halkii uu ka baqayay in ay ka dusaan biyuhu.subaxdii kale ayuu rasuulka SCW u sheegay ,kana codsaday in markan laga aqbalo in Rasuulku kor dego, waana laga aqbalay. Rasuulku SCW 7 billod ayuu deganaa Guriga Abuu Ayuub illaa laga dhameeyay Masjidkii laga dhisayay halkii Ratigu fadhiistay , halkaa ayuuna u guuray isaga oo deris la haa Abuu Ayuub.

Maalin ayaa Sayid Abubakar RC oo u soo socda Masjidka xagiisa qoraxduna ay aad u kululeed ,ayaa waxaa ka hor yimid Sayid Cumar RC oo ku yiri: Abuubkaroow saacadan maxaa ku wada ,waxa uu ku yiri : baahi xun ayaan la joogi waayay gurigeyga, Sayid Cumar ayaa ku yiri: Anigana sidaa oo kale Baahi ayaa si xun ii heysa , waxaa ka hor yimid Rasuukii SCW oo ku yiri: waqtigan kuleylka ah maxaa idin wada waxa ay ku yiraahdeen: Rasuulka Alloow Baahi ayaan la joogi weynay, Rasuulkii ayaa ku yiri: Anigana sidaa oo kale. Waxa ay tageen gurigii Abuu ayuub, xaaskiisii ayaa soo dhaweysay ,markii uu maqlay codkii rasuulka ayuu ka soo dhaqaaqay geedhiisii timirta Abuu Ayuub, waxauu ku yiri: Waqtigan ma ahaan waqtigii aad ii imaan jirtay, Abuu ayuub oo maalin kasta cunto ayuu u dhigi jiray Rasuulka haduuna imaana qoyskiisa ayuu siisan jiray.

Waxa uu u soo guray Timir bisil iyo mid aan wada bislaan , rasuulka ayaa yiri tan bisil oo kaliya ayaan cuneynaa , tan aan wada bislaan waxa ay aheed in la sugo. Abuu ayuub ayaa yiri: waxaan idiin qalayaa Ri’ .Rasuulka SCW ayaa yiri: Mid irmaan ha nooqalin,waana u qalay Ridii aan irmaaneyn ,qayb yar oo hilibkii ah ayuu Rasuuku ku yiri: u geey Fatima Buntu Moxamed RC waqti dheer hilib ma arage. Markii ay cuneen Rasuula ilmo ayaa ka soo daadatay, waana duceeystay.

Abuu Ayuub waqtigiisa inta badan waxa uu ku dhameystay dagaal ,mana joojin ka qayb galka dagaalada waqtigaii rasuulka ilaa waqtigii mucaawiya. Dagaalkii ugu dambeeyay waxa uu ahaa kii lagu furanayay Istambuul- Turkiga, aad ayuu duq u ahaa 80 jir , dagaalkii uu hogaaminayay Yazid ee uu ka qayb galay ayuu ku xanuunsaday Abuu Ayuub, goobtii dagaalka isaga oo ku sogan ayaa laga codsaday in uu nasto bacdamaa uu tabar dhigay .Yazid ayaa ku yiri: Abuu Ayuuboow maxaan islaamka kaa gaarsiinaa. Abuu Ayuub ayaa ku yiri: igu salaam muslimiinta, una sheeg in ay dagaalka hore u sii wadaan ilaa ay ka jabiyaan gidaarka ku wareegsan Istanbuul,hana la igu aaso gidaarka hostiisa marka aad qabsataan. Waana la fuliyay dardaarankiisii oo halkii uu codsaday ayaa lagu aasay, qoobabka fardihii dagaalka hoostooda ,halkaa gidaarka laga jabiyay magaaladiina laga furtay.Fiiri Sawirada 6 & 7aad.

(Waxaa hadda ka dhisan halkaa Masjid weyn oo leh barxad Salaada Ciidaha lagu tukado, Madaxweynaha Turkiguna uu wax uga tukado, waxaa kala oo caada ah magaalada istambuul in ay tagaan halkaa Labdii ruux ee is guursada, si ay ugu soo duceystaan in Allaah uu gurigooda ka dhigu mid barakeeysan sida Gurigii Abuu Ayuub Al- Ansaari).

FG: wixii aan khalday iga sax, wixii ka dhimana ku dar, meel kasta oo barakeeysan sida kacbada, qabriga Rasuulka CSW, masjidka Aqsaa, haddii aad tagto noo soo duceey, soo booqo qabuurada waalidkaa iyo asaxaabtaada ,haddii ay noolyihiina soo booqo.dadkii waalidkaa uu xiriirni jirayna xiriiri,sida diintu na fareyso.

Qore: yahya Amir.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip