Wax badan ka ogow Taariikhda Xulka Soomaaliya U-17 ee gaaray Final-ka Tartanka CECAFA

0
Thursday April 26, 2018 - 21:48:29 in Wararka by
  • Visits: 580
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax badan ka ogow Taariikhda Xulka Soomaaliya U-17 ee gaaray Final-ka Tartanka CECAFA

    Soomaaliya ayaa ka naxsatay xulka difaacanaya tartankaan ee Uganda oo ay 1-0 kaga badiyeen kulankii semi-final-ka ee tartanka CECAFA U-17 ee ka dhacay dalka Burundi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaaliya ayaa ka naxsatay xulka difaacanaya tartankaan ee Uganda oo ay 1-0 kaga badiyeen kulankii semi-final-ka ee tartanka CECAFA U-17 ee ka dhacay dalka Burundi.

Uganda oo ku guuleysatay koobkan markii ugu dambeysay ee la qabto 2009-kii ayaa ku guuldareysatay inay kasoo gudubto xulka Soomaaliya oo ay kula ciyaareen garoonka Gitega Stadium.

Farhaman Ahmed Duqow ayaa goolka guusha u dhaliyay Xulka Soomaaliya qeybtii hore ee ciyaarta. 

Uganda ayaa ku guuleysatay inay hesho kubad rigoore ah qeybta labaad ee ciyaarta, laakiin Sula Mpuga ayaa ka qasaariyay.

Ka hor inta aysan soo gaarin Semi-finalka, Uganda waxay barbaro 1-1 ah la galeen Tansaaniya kulankii furitaanka Group B.

Waxay guul 3-0 ah ka gaareen Sudan markii ay u soo gudbayeen Semi-finalka tartankaan.

"Waxaan ka niyadjabsanahay inaan abuurnay dhowr fursadood oo goolal loo filan karay, laakiin kuma guuleysan inaan gool dhalino” Ayuu yiri tababaraha Uganda Peter Onen oo saxafada la hadlay ciyaarta ka dib.

Tansaaniya ayaa kula biirtay xulka Soomaaliya finalka tartankaan ka dib markii ay 2-1 kaga badiyeen Kenya kulankii labaad ee Semi-finalka oo la ciyaaray Arbacdii shalay.

Soomaaliya ayaa ku bilaabatay tartanka, iyadoo 3-0 looga badiyay, laakiin waxaa lagu abaalmariyay dhibcaha iyo Saddex gool ka dib markii xulka Ethiopia lagu helay inay soo xuleen ciyaartooyda ka weyn 17 jir.

Xulka Soomaaliya oo uu hogaaminayo macalin Salad Faarax Xasan ayaa 1-0 kaga badiyay Kenya kulan xiga ee Group, waxaana sidoo kale ay barbaro goolal la’ aan ah ay la galeen xulka Burundi.



Tababarihii hore ee kooxda Jenyo FC ayaa ka codsaday taageerayaasha Soomaaliyeed inay ku garab istaagaan ciyaartooyda sidii ay magaalada caasimada ah ee Mogadisho kaga soo dajin lahaayeen koobka.

Tartankan oo ah mid caalami ah oo ay aqoonsan tahay FIFA, waxaa ka qeyb galay sannadkaan Uganda, Ethiopia, Sudan, Kenya, Tanzania, Somalia iyo marti galiyaasha Burundi.

W/D:- Hassan Abdi Ahmed



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip