Khudbado laga dhageystay Musharaxiinta qaar ee xilka Gud. Baarlamaanka

0
Wednesday April 25, 2018 - 20:24:16 in Wararka by
  • Visits: 317
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khudbado laga dhageystay Musharaxiinta qaar ee xilka Gud. Baarlamaanka

    Musharaxiinta u tartameysa xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa maanta oo Arbaco ah qaarkood waxa ay xildhibaanada Baarlamaanka ka horjeediyeen waxa ay qabanayaan hadii loo doorto xilka Guddoomiyaha Golaha, midkood.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musharaxiinta u tartameysa xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa maanta oo Arbaco ah qaarkood waxa ay xildhibaanada Baarlamaanka ka horjeediyeen waxa ay qabanayaan hadii loo doorto xilka Guddoomiyaha Golaha, midkood.

Kulanka maanta waxaa shir guddoominayay Kusimaha Gudoomiyaha Golaha Shacabka ahna Gudoomiye kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka C/wali Sheekh Ibraahim Muudey.

Ajandaha kulanka wuxuu ahaa dhageysiga khudbadaha Lix ka mid ah Musharaxiinta u hanqal taageysa xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo bishan bilowgeedii uu baneeyay Maxamed Sheekh Cusman Jawaari.

Lixda Xildhibaan ee maanta khudbaha jeediyay ayaa waxa ay kala yihiin Ibraahim Isaaq Yarow, C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), Cali Sheekh Maxamed (Xaaji Cali), Saalim Caliyow Ibrow, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) iyo Idiris Cabdi Dhaqtar.

Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in Shanta Musharax ee harsan ay xildhibaanada Baarlamaanka ka horjeediyaan qorshe howleedkooda, waxaana Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka lagu balansan yahay in ay dhacdo 30-ka bishan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip