Somali Original ah- Somali Copy ah-Somali Fake ah.

0
Wednesday April 25, 2018 - 11:00:38 in Wararka by
  • Visits: 872
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somali Original ah- Somali Copy ah-Somali Fake ah.

    Cilmiga psychology waxaa lagu bartaa hab-dhaqanka iyo dabeecadaha Qofka shakhsiga ahi uu leeyahay, cilmiga sociology waxaa lagu bartaa hab dhaqanka bulsho leedahay iyo dabeecadaheeda u gaarka ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cilmiga psychology waxaa lagu bartaa hab-dhaqanka iyo dabeecadaha Qofka shakhsiga ahi uu leeyahay, cilmiga sociology waxaa lagu bartaa hab dhaqanka bulsho leedahay iyo dabeecadaheeda u gaarka ah.

Sir Charles Ildiot oo ahaa qof luqadaha barta "Linguist” si buuxdana uga hadla 16 luqadood, 20 kalina wax ka yaqiin ahaana siyaasi ingriis ah oo shaqa Deplomasiyaded ka soo qabtay waddama badan sida Russia (1885), Morocco (1892), Turkey (1893), and Washington, D.C. (1899) iyo wadama badan oo Aasiya ah. Marna loo soo diray mustacmiradii ingriiska ee bariga Afrika gaar ahaan Jubaland oo markaa ka koobneed NFD iyo Juba land.

Kadib markii Mustacmaradii ingriisku dagaala badan kala kulantay qowmiyadihii ay gumeysaneysay, gaar ahaan Somalida ayaa Sir Charles Eliot la weydiistay in uu ummaddahaa daraasad ka sameeyo sannadkii 1905 ayuu Qoray maqaal ahaa muxuu ingriisku ka aaminsanyahay somalida .

What the British thought of Somalis during 1900’s –article.

Waxa uu qoraalkiisii ku bilaabay arrinka mustaqbalka qowmiyadaha somalidu sida ay anniga ila tahay waa kan ugu muhimsan uguna dhibka badan ee ka jira Bariga Afrika. waxaan ku talinayaa Sir Charles ahaan in aan Somalida arrimahooda u daayno iyaga oo laga dhaafo faragalin dibadda ah , iyo in aan marna la isku dayin in lagula dagaalo deegaanadooda (I advise that we leave them alone, or at least avoid as far as possible the task of attacking them in their own territory).

Waxa ay ku noolyihiin deegaan si dabeeciya ay kaligood u degen yihiin, saraakiisheeno yeyna isku dayin in ay la dagaalamaan oo dad ka dilaan ama ay colaado ka abuuraan, waana in aan ka hortaganaa oo kaliya ku soo fiditaankooda dhinaca wabiga Tana, Lamu iyo in dhinaca Amxaradana la xadido ,waana in aan xuduud u sameyno Map-ka dhulka somalida si loo xakameeyo fiditaankooda.

weliba waa in aan somalida uga faa’iideysano sidii aan u gumeysan leheyn ummadaha kale, midna shaki kuma jiro in ay yihiin qowmiyada ugu Caqliga badan geeska Afrika (There can be no doubt that they are the most intelligent race in the Region) waxa u dheer waa dad isla qab weyn, aan daba dhilif noqon Karin, xagjiriin ah oo aan noo naxariisaneyn, taa oo ah dabeecado uuna isticmaarku jecleyn.

Waxaan hubaa Qofka caadiga ah ee ingriiska ihi uma niyad furna somalida mana jeclo sababta oo ah ingriisku uma dulqaadan karo qof madoow oo aan isku heysan in uu ka hooseeyo qofka cad ,welibana si xun noola dagaalayo, ma ogolin maqaar madoow iyo caqli israacsan ,ma ogolin Somali nala caqli ah oo saan wax u arkeeyno wax noola arkee( halkaa ku istaag, awoowgaagii 150 sanno ka hor noolaa ayaa sifadaa isticmaarkii ku sheegay, adiga oo maanta wax bartay maxaa saan kaa dhigay, ma cilmiga lagu baray ayaa ah in dadnimadii Awoowa yaasha lagaa tir tiro, jawaabtu waa xagaaga?).

Sir Charles oo qoraalkiisii sii wata ayaa yiri: isticmaarku mar kastaba ma jecla dadka nuucaa ah waana dhibaatada kala heeysata somalida iyo wakiiladeena noo jooga Bariga Afrika.

Somalidu ma ogola in lagu fuliyo qorshe fudud , marka laga guuleystana in ay is dhiibaan ma ogola ,mar kasta waxa ay aaminsanyihiin in ay nala mid yihiin ama naga sareeyaan (The Somali are not willing to agree to the simple plan of having a fair fight and then shaking hands when defeated, but constantly indicate that they think themselves our equals or superiors).

Waxa uu yiri: yaan lagu dayin xoog dadka NFD iyo Juba land ( oo aheeyd deegaankii loo soo diray Sir. Charled in uu wax ka soo qoro), waa dad ay ka muuqato ilbaxnimo , madiidani anigu charles ahaan in ingriis ahaan aan ka sareyno kuwa madmadow, laakin lama saadaali karo waxa somalidaka soo socdo , xiriir dhaqaale ha lagu galo deegaanka si aan saameyn ugu yeelano.

Ugu dambeeyn waxauu qoraalkiisii ahaa taladii uu siinayay dowladiisii ingriiska ku soo gabagabeeyay : waxaa wanaagsan in Somalida loo daayo kaligood arrimahooda u gaaka ah, oo aan la abuurin isku dhac .

FG: Gaalkaa Sir Charles oo tala siinayay dowladiisii Ingriiska ayaa berrigaa Awoowa yaasheenii Asalka ahaa( original) ku tilmaamay in ay lahaayeen dadnimadaa, iyo dhaqanka nuucaa ah. Maanta faracoodii aan aniga iyo adigu ka midka nahay ma Asalaa ( original),ma u ekaa ( copy), ma been abuuraa( Fake). Fiiri Xalane iyo beesha caalamka, AMISOM iyo wadamada deriska, Carab iyo DP world, iyo qaabka aan u nacamleeyno , sida hadda laguu arku iyo sida Awoowa yaashaa loo arkayay. Haddii Sir Charles maanta la soo diri lahaa, muxuu naga qori lahaa?.Adoo iga raali ah, wixii aan qalday iga sax, wixii dhimana ku dar, aragtidaada xor ayaad utahay.

Ma ahan qoraal anigu aan Qoray ee waa maqaal uu qoray khabiir ingriis ah sannadkii 1905kii.

Tarjume: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip