Ninkii looga shakisnaa in uu Maraykanka dadka ku laayay oo la qabtay

0
Tuesday April 24, 2018 - 08:29:31 in Wararka by
  • Visits: 331
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ninkii looga shakisnaa in uu Maraykanka dadka ku laayay oo la qabtay

    Reinking oo ah ninka laga shakisan yahay ayaa lagu qabtay Nashville Booliiska dalka Maraykanka ayaa qabtay nin looga shakisan yahay in uu afar ruux ku dilay gobolka Tennessee.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Reinking oo ah ninka laga shakisan yahay ayaa lagu qabtay Nashville Booliiska dalka Maraykanka ayaa qabtay nin looga shakisan yahay in uu afar ruux ku dilay gobolka Tennessee.

Travis Reinking oo 29 jir ah ayaa la sheegay in gacanta lagu dhigay isaga oo ku gabanaya meel dhir badan. Wuxuuna ku eedaysan yahay in uu rasaas ku furay dad Axaddii ku sugnaa makhaayad, kadibna intuu dharka iska bixiyay ayuu cararay isaga oo qaawan.

James Shaw Jr oo macaamiisha ka mid ahaa ayaa ka hortagay in uu dhiig badan sii daato isaga oo qorigii la qabsaday kana qaaday ninkan laga shakisan yahay.

Sawir ay booliisku shaaciyeen ayaa lagu arki karaa Reinking oo qaba maro jeexjeexan iyo xaktimo jirkiisa ka muuqda.

Marka la qabtay waxaa laga helay biskoolad iyo rasaas, sida ay booliisku sheegeen. Wuxuu codsaday in qareen loo qabro, wuxuuna diiday in uu ka jawaabo su'aalihii la waydiiyay.

Travis Reinking oo ah ninka laga shakisan yahay ayaa lagu qabtay NashvilleLahaanshaha sawirka  NASHVILLE PD Image captionTravis 

Baareyaashu wali ma aysan ogaanin sababta ku qaaday toogashada "ma garanayso sababta uu u bartilmaameedsaday Waffle House" ayuu saxafiyiinta ku yiri Don Aaron oo u hadlay baareyaasha.

Askar lagu qiyaasay 160 ayaa ka qaybqaadatay baadigoobka Reinking kaas oo lagu daray liiska tobanka ruux ee loogu dayday badan yahay gobolkaas.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip