Koox maafiyo ah oo Soomaaliya hub qarsoodi ah geysay oo lagu xukumay Mareykanka

0
Monday April 23, 2018 - 23:33:36 in Wararka by
  • Visits: 405
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Koox maafiyo ah oo Soomaaliya hub qarsoodi ah geysay oo lagu xukumay Mareykanka

    Maxkamad ku taal Manhatten, New York ayaa waxaa ay xukunno ku riday saddex nin oo askar hore Mareykan ah iyo kaabohooda kuwaas oo caalamka uga howlgali jiray qaab "mafiyo" islamarkaana ay maxkamaddu ku eedeysay fal-dambiyeedyo ay ka mid yih

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamad ku taal Manhatten, New York ayaa waxaa ay xukunno ku riday saddex nin oo askar hore Mareykan ah iyo kaabohooda kuwaas oo caalamka uga howlgali jiray qaab "mafiyo" islamarkaana ay maxkamaddu ku eedeysay fal-dambiyeedyo ay ka mid yihiin, dilal, ka ganacsiga daroogada, hub iibin iyo qorsheyn ridid dowlado.

Nonamkan oo lagu kala magacaaboJoseph Hunter, Adam Samia, Carl Stillwell iyo kaabohooda Paul Le Roux ayaa waxaa lasoo kale xiray xilliyo kala duwan, waxaana labo ka mid ah lagu xiray dalka Mareykanka 2013-kii xilli ay kasoo laabteen howlgal lagu soo khaarajiyay haweeney u dhalatay dalka Filippin oo sida la sheegay dahab ka xaday madaxa kooxdaPaul Le Roux.

Paul Le Roux oo isagu ah kaabaha kooxdan ayaa lagu soo qabtay howlgal qorsheysay oo lagu siray sannadkii 2012-ka kaas oo ka dhacay Afrika, gaar ahaan magaalada Monrovia ee dalka Liberia.

Ninkan ayaa waxaa siray sirdoon ka tirsan waaxda daroogo-ka hortagidda Mareykanka ee loo yaqaa "Drug Enforcement Administration (DEA)” kuwaas oo isaga soo dhigay koox Colombian ah oo daroogada ka ganacsata.

Le Roux oo ay booliska wareysi la yeesheen ayaa u sheegay warbixinno ay la amakaageen kuwaas oo ay ka mid yihiin in uu hub khatarta ah ka iibin jiray dowladda Iran, in uu 200 oo jabhad ah ka aas-aasay Soomaaliya uuna hubeeyay, in uu xarun qarsoodi ah uu ku lagaa Soomaaliya, in uu hub qarsoodi ah ku iibin jiray Soomaaliya iyo in uu cinqilaab lagu ridayo dowladda ka sameyn rabay jasiiradda Seychelles ee bannaanka Soomaaliya ku taal.

Mar ay maxkamadda wax ka weydiisay waxa uu u sameynayay waxaas oo dhan ayuu ku jawaabay in ay aheyd oo kaliya lacag islamarkaana ciddii lacag haysatay uu la macaamili jiray.

Laguma cadeyn warbixinta cidda ama goobaha uu Soomaaliya kaga howlgali jiray.

Ninka isna howlgal qorsheysan lagu soo qabtay sannadkii 2013-ka ee kooxda ka tirsan ayaa ah Joseph Hunter (sawirka kore) kaas oo ciidamada komandosta Thailand ay kasoo qabteen magaaladaBangkok.

Hunter ayaa lagu xukumay 20 sano oo xarig ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip