Dood adag oo ka dhalatay Sharciga dadka soogalootiga ah ee Faransiiska

0
Monday April 23, 2018 - 23:07:54 in Wararka by
  • Visits: 326
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dood adag oo ka dhalatay Sharciga dadka soogalootiga ah ee Faransiiska

    Baarlamaanka dalka Faransiiska ayaa meelmariyay shuruuc dhanka socdaalka ah oo sii adkaynaya xeerarka lagu hago dadka soo galootiga ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baarlamaanka dalka Faransiiska ayaa meelmariyay shuruuc dhanka socdaalka ah oo sii adkaynaya xeerarka lagu hago dadka soo galootiga ah.

Sharcigan ayaa soo gaabinaya wakhtiga kama dambaysta ah ee la qabto codsiyada dadka magangalyo doonka ah, wuxuuna labo jibaarayaa wakhtiga xabsiyada lagu haynkaro dadka sida sharci darrada ah ku gala Faransiiska.

Shuruucdan cusub waxaa sidoo kale ka mid ah hal sano oo xabsiga la dhigi doono dadka sida sharci darrada ah ku gala Faransiiska.

Xisbiga madaxweyne Emmanuel Macron ee siyaasaddiisu dhexdhexaadka tahay ayaa sheegay in sharcigan cusub uu wax ka tari doono qaabka loo maro codsiga magangalyada.

Laakiin mucaaradka iyo qolyaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa sheegay in xeerkaas lagu talaxtagay.

Sharcigan waxaa ogolaaday 228 xildhibaan, waxaana ka soo horjeedsaday 139, waxaana codaynta ka baaqsaday 24 xildhibaan.

Codaynta ayaa maalmihii nashada u dhacay ka dib markii la soo jeediyay in boqolaal jeer isbadal lagu sameeyo

Jean-Michel Clément oo ka tirsan xisbiga madaxweyne Macron ee La République en Marche ayaa ka soo horjeedsaday sharcigan, 14 xildhibaan oo isla xisbigan ka mid ahna way ka baaqsadeen in ay soo xaadiraan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip