Maqaal: Afka waa ka sheeganay, hayeeshee, dhaqan wanaaggii ayaan ku jabnay!

1
Monday April 16, 2018 - 09:28:08 in Wararka by
  • Visits: 751
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maqaal: Afka waa ka sheeganay, hayeeshee, dhaqan wanaaggii ayaan ku jabnay!

    Waxa aan ahayn 5 qof oo 3 ka mid ah ay ku soo noolaadeen waddamada galbeedka ugu yaraan 15 sano. Waxa aan dood dheer gelinay in aan is barbar dhigno dhaqanka galbeedka iyo kan muslimiinta maanta. Waxaa noo soo baxday in aysan jirin hal arin oo nolo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa aan ahayn 5 qof oo 3 ka mid ah ay ku soo noolaadeen waddamada galbeedka ugu yaraan 15 sano. Waxa aan dood dheer gelinay in aan is barbar dhigno dhaqanka galbeedka iyo kan muslimiinta maanta. Waxaa noo soo baxday in aysan jirin hal arin oo nolosha ka mid ah oo aan kula tatami karno.

● shaqa wanaaga iyo iyo ilaalinta waqtiga.

● balamada iyo ilaalintooda.
● musuq diidka iyo ka hortagga hanti boobka.
● maamul wanaagga iyo ilaalinta tayada.
● run-sheegga iyo hufnaanta.
● dhawrista bina’aadamka iyo kala sooc la’aanta.
● naxariista iyo u turista dadka dhiban ama taagta yar.
● gurmadka iyo wax dhiibka degdega ah.
● xil-iska-saarista horuu-socodka aduunyada, ilaalinta degaanka, caafimaadka iyo wixii la mid ah.


● aqoon jacaylka iyo baaritaankeeda joogtada ah.
● doodaha, is-dhegaysiga iyo tixgelinta.
● awood qeybsiga iyo ka tegista awoodda gooraysan.

Waxaa noo soo baxday in islaamkii af-ka-sheegasho soo dhaafi waayay oo dhaqan wanaaggii aan ku jabnay.
Hadaad marag u baahantahayna waxaa kuugu filan sida aan ugu yaacayno galbeedka waddamadeenana aan uga yaacayno.
Waxa ay naqdeen macalimiin, hasa ahaatee ma aqaano in aan nahay arday wax barasho u diyaar ah iyo in aan nahay [faroojo] faan uun la soo taagan!

Qalinkii: Hassan Hundebey Jimale


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip